Yuhuuda oo Qorsheynaysa Iney Duulaan Balaaran ku Qaadaan Daanta Galbeed.

Feb 23, 2025

23 Sano kadib sahaayinada oo guutooyin gaashaaman u daraya gudaha dhulka daanta galbeed si ay halkaas uga fuliyaan howgallo wuxuushnimo.

Sida uu baahiyey wargeyska kasoo baxa deegaanada yuhuuda ee Walla, xukuumada Binyamin Natanyaahu ayaa dooneysa in Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta u dirto guutooyinka gaashaaman oo fulinaya howlgallo xasuuq ah oo aanan marnaba loo meel dayi doonin.

Waxaa lagu waramayaa inay guutooyinkaan adeegsan doonaan taangiyo iyo hubka culus , waana sida uu xaqiijiyey wargeyskan yuhuudiga ah ee qalinka u qaatay warbixintan, taasoo muujineysa in Ntanayhaau uu u oomanyahay in xiisadu uu markale ka kiciyo goob hor leh.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in howlgalada ugu culus ay ka dhici doonaan gudaha magaalada Jenin oo ah halka ay ka dhisanyihiin kooxaha iska caabinta ee ku sugan Daanta Galbeed, horayna ay uga dheceen weeraro xoogan oo lagu jibiyey maamulka gumeystaha yuhuuda.

Gunaanudkii waxaa xusid mudan Netanyahu uu maalin ka hor amray in la ballaariyo howlgallada Daanta Galbeed, kaddib qaraxyadii aan khasaaraha geysan ee saacadihii lasoo dhaafay lala beegsaday basaskii ku sugnaa gudaha magaalada Telaabiib.

FAAFREEB PRO