Yuhuuda oo Cabsi Xoogan ka Qabta Basaasiinta Iran ee Gudaha Ciidankooda ku Jira.

Dec 22, 2024

Yuhuuda ayaa walaac xoogan ka qabta basaasiin ay Iran ku dhax beeratay gudaha sahaayinada mudooyinkaan dambe.

Sida uu daabacay wargeyska cibriga ah ee Macaariif maamulka isgu yeera Israel ayaa goob gariir ka muujinaya faragalin basaasnimo oo ay Iran mudooyinkaan dambe kusoo xoojisay gudaha ciidanka iyo hay’adaha sahaayinada.

12-kii Biloo dee lasoo dhaafay ayey jariiradu sheegeysaa iney sii lixaadsadeen falalkan ay Tehran ku jaasuuseyso xogaha yuhuuda, iyadoona ku beeratay gudaha ciidanka tobaneeyo ruux oo iyada qoob hoose ugu dusiya xogaha muhiimka ah.

Sirdonada kala duwan ee yuhuuda gaar ahaan midka gudah ayaa sheegay in waligood aysan arkin lixaadsi intaan la eg oo ay gudaha ciidankooda ku yeeshaan basaasiinta ka socda dhanka iran, waa mida walaaca xoogan ku beertay maamulka Binyamin Natanyaahu.

Dhanka kale warbixinta majaldan ayaa tibaaxeysa in si aad ah uu maamulka yuhuuda kaga cabsi qabo in Iran ay gacanta ugalaan feylal muhiim ah oo ay ku jiraan kuwa dagaal, iyo sidoo kale in la fashiliyo howgalo qarsoodi ah oo ay sirdoonadooda wixii hada ka dambeeya ay doonayaan iney ka fuliyaan gudaha dhulka Iran.

FAAFREEB PRO