Yuhuuda iyo Bashaar Al-Asad oo Mudooyinkii Dambe Lahaa Cilaaqaad Xoogan.

Dec 29, 2024

Warbixin uu daabacay joornaalka The Timse of Israel ayaa lagu sheegay in Bashaar Al-Asad uu sanadihii ugu dambeeyey xiriir qarsoodi ah oo ku dhisnaa arimo badan uu la lahaa maamulka gumeystaha yuhuuda, uuna sii xoogeysanayey marba marka ka dambeysay.

Cilaaqaadkan qorasodiga ahaa ee ugu dambeyn banaanka lasoo dhigay xogtiisa ayaa lagu waramayaa in uu ku dhisnaa arimo badan iyo dano dhowr ah oo ay yuhuuda ka damacsanaayeen ninkan, balse waa tuu Bashaar Al-Asad galabka ku dhacay ugu dambeyna kursiga laga tuuray.

Arimaha ay sahaayinadu ninkan kala hadlayeen mudada uu xiriirkan socday waxaa kamid ah inuu joojiyo xiriirka uu la leeyahay Iran iyo ururka isugu yeera Xisbullah, si meesha looga saaro saadka militari ee Iran ay dhexmariso gudaha Suuriya .

Waxaana lagu waramayaa hadii Bashaar Al-Asad uu aqbali lahaa arinkan in yuhuuda ay u sacyin lahaayeen sidii cunaqabateynta looga qaadi lahaa maamulkii Bashaar loona dhisi lahaa xiriir diblumaasiyadeed oo xoogan oo u dhexeeya Labada dhinac, balse midaas xukuumada Natanyaahu uma suuragalin waana tan oo ay maanta kala dheceen xeero iyo fandhaal.

FAAFREEB PRO