Yahuudda oo Qorshaynaysa in ay Maleeshiyaad Usoo Dirto Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Jan 25, 2026

Maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa la sheegay in uu qaaday tallaab kale oo uu qeyb uga noqonayo gummeysiga ay Yahuudda Sahyuuniyaddu ku hayaan shacabka muslimiinta Falasdiin.

Warbaahinta ugu afka dheer Sahaayinada ayaa faafisay in maamulka isku magacaabay Somaliland uu aqbalay in maleeshiyaadka murtadiinta Falasdiiniyiinta ee ka qeyb qaatay dagaalka Qaza iyo ehelladooda loo raro dhanka gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarada xooggaga muqaawamada.

Wargeyska sahyuuniga ah ee Makor Rishon oo soo xiganaya saraakiil Yahuud ah ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu udiyaar u yahay in uu magangelyo siiyo maleeshiyaadkii dabbadhilifyada ahaa ee ciidanka Yahuudda ku gacan siiyay duullaanka cudwaaniga ah ee magaalada Qaza.

Wararka ayaa intaas ku daraya in raridda maleeshiyaadkan iyo insixaabka ciidamada gummeysiga Yahuudda ee mandiqadda khadka cas ee magaalada Qaza ay isku xiranyihiin.

Nin lagu magacaabo Xusaam al-asdal oo kamid ah maleeshiyaadka murtadiinta Falasdiiniyiinta ayaa horay usheegay in isaga iyo saaxiibadiisa lashaqeeyay Yahuudda ay halis wajahayaan.

Warbaahinta Yahuudda waxay tibaaxaysaa in dhaqan gelinta marxaladda 2aad ee heshiiska Qaza ay sahaayinadu qorshaynayaan in maleeshiyaadkan ay ka raraan aagga Rafax halka lageynayana ay tahay Soomaaliya.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland oo ku aaddan arrinkan balse Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmo ka hor madaxweynaha Yahuudda kula kulmay magaalada Davos ee wadanka Swizerlan.