Yahuudda oo Kooxda Gurguurte Uga Digtay Xiriirkeeda Turkiga.

Dec 5, 2025

Kadib isbadalladii ku yimid mandiqada bariga dhexe ee albaabada uu ufuray dulalankii todobadoo Actobar iyo xasaradaha sii kordhaya ee gobolka ka jira, ayaa sababay in is jiraan masaalixda maamulka Yahuuda iyo dowlada Turkiga.

Masuul katirsan Yahuuda ayaa digniin udiray Kooxda Ridada isaga oo soo hadal qaaday faragalinta uu dalkaan ku hayso xukumada Ankara iyo howlaha milatari ee ay wado.

Shay Gal, oo ah lataliye sare oo katirsan Kayaanka Sahaayinada ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda noqotay meel uu saamayn weyn ku leeyahay Turkiga,halkaas lagu tijaabinayo sida uu sheegay gantaalka Tayfun oo Turkigu, kaas oo yiri waxay halis ku yihiin Israa’il ioyo Giriiga.

Isaga oo uhanjabaya ayuu yiri ““Fogaanta Soomaaliya ma ah mid ka badan Iiraan,” wuxuuna intaa ku daray in indhaha maamulka Yahuuda uu furanyahay uuna lasocda wuxuu Turkigi ka samaynayo dalkaan

Tijaabo kasta oo laga sameeyo saldhigyada ciidan ee uu ku leeyahay Soomaaliya Turkigu ayuu usheegay in ay isha ku heyn doonaan dowladaha Giriiga iyo maamulka yahuuda.

Hadalkaan kasoo yeeray sahaayinada ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay uu sii xumaanayay xiriirka udhaxeeya xukumadaha Ankra iyo gumaystaha, taas oo qeyb ka ah isbadallada uu keenay howlgalkii Duufaanta Al-Aqsa, dhinacyada ayaana hada ku loolamay Suuriya, iyadoo Turkiga uu Soomaaliya u arko goob qarsoon uu ka sameyn karo tijaabooyinkiisa.