Yahuudda iyo Itoobiya oo Usbuucyo Gudahood Mar Kale Ku Kulmay Addis Ababa.

Mar 12, 2025
Dawladda Xabashida Itoobiya iyo maamulka Yahuudda ayaa Talaadadii shalay kulan laba-geesood ah ku yeeshay magaallada Addis Ababa, sida lagu sheegay bayaan kasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.
Kulankan oo dhex-maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos iyo safiirka maamulka Yahuudda u fadhiya Itoobiya, Avraham Neguise ayaa lagu gorfeeyey iskaashiga diblomaasiyadeed iyo dhaqaalle ee labada dhinac.
Sidoo kale wada-xaajoodkan ayaa diiradda lagu saaray dhinacyada istaraatiijiga iyo muhiimka ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, maal-gashiga iyo wareejinta tignoolajiyadda, iyagoo dib u xaqiijiyey inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga.
Labada dhinacba waxay si gaar ah hoosta uga xariiqeen ka faa’iidaysiga maalgashiga Yahuudda iyo tiknoolajiyada casriga ah si loo taageero ayay yiraahdeen isbeddellada dhaqaale ee socda ee Itoobiya iyo dadaallada horumarineed.
Saddex Usbuuc ka hor ayuun bay ahayd markii labadan maamul ay sidoo kale qalinka ku duugeen heshiis dhigaya in labada dhinac ay iska kaashadaan ka faa’iidaysiga ilaha biyaha ee Xabashida Itoobiya iyo kordhinta korontada laga dhaliyo Biyo-xireenka Al-Nahda ee laga dul-dhigsay halka uu kasoo burqado webiga Niil.
Xiriir qoto-dheer oo soo-jireen ah ayaa ka dhaxeeya Dawladda Xabashida Itoobiya iyo Sahaayuuniyada. Waxaana in ka badan 180,000 oo Yahuudi-Itoobiyaan ahi ay deggen yihiin dhulka Filastiin ee Sahaayuuniyadu ay xoogga ku haysato, sida ay sheegtay warbaahinta Itoobiya.
Yahuudda Itoobiya ayaa sidoo kale loo yaqaannaa Falasha. Waxaanay si toosa uga barbar dagaallamaan Sahaayuuniyada xasuuqqa bahalnimada ah ku wadda muslimiinta reer Filastiin. Waxaana maxaabiistii Yahuudda ee Xamaas ay dhawaan sii daysay ku jiray nin lagu magacaabo Avera Mengitsu oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya.
Xiriirka u dhaxeeya maamuulladan ayaa sii xoogaystay tan iyo wixii ka dambeeyey 2016 oo ahayd markii Ra’iisal-wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu uu ka degay xarunta Itoobiya ee Addis Ababa.