Yaa ku Khasaaray Dhicitaanka Bashaar Al-Asad Yaasa ku Faa’iday?.

Dec 10, 2024

Saxiifada Newyork ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday maqaal ra’ayi uruurin ah oo ay ciwaan uga dhigtay “kuwa ku khasaaray dhicitaanka Al-Asad iyo kuwa ka faa’iday midaas”.

Jariiradu waxay ugu horeyntii tibaaxeysaa in iyadoo aragti uruurinteeda wax ku dhisaneysa in Muslimiinta Sunniga Suuriya ay yihiin kuwa ugu badan ee maanta faa’idada helay kadib dhicitaanka nidaamkii mujrimka ahaa Bashaar Al-Asad hogaaminayey, wuxuu sidoo kale joornaalku sheegayaa in Turkiga isagana uu ka faa’idi doono nidaamka cusub ee Suuriya, awoodna uu u yeelan doono xakameynta kooxaha kurdiyiinta gobolka, maamulka yuhuuda isagana kama marna oo maqaalku waxa uu leeyhay isagana ibadalka cusub ee Suuriya wuu ka faa’ideysan doonaa ayey jariiradu leedahay.

Mareykanka ayaa sidoo kale lagu waramayaa inuu qeyb ka yahay wadama ku faa’idi doona nidaamka cusub ee Suuriya, xilli cadawgiisa saaxada siyaasada ee Ruushka iyo Iran ay ku khasaareen Suuriya maadaama la riday nidaamkii Asad.

Maleeshiyaatka isugu yeera Xisbullah, Ruushka, Iran iyo bulshada Calawiyiinta ee uu kasoo jeedo ninkii xukunka laga riday ee Bashaar Al-Asad ayuu maqaalka Newyork Times sheegayaa iney kuwada khasaareen burburka nidaamkii Suuriya, si gaar ahaaneed Iran ayuu wargeysku hoos ka xaqiiqayaa isagoona sheegay iney la kulmi doonto sanadaha soo aadan jab xoogan oo kaga imaan doona nidaamka cusub ee Suuriya.

FAAFREEB PRO