Cabdi Maalik Al-Xuuti oo ah hoggaamiyaha kooxda Xuutiyiinta ee Shiicada Yemen oo bayaan soo saaray saacadihii lasoo dhaafay ayaa jawaab adag ka bixiyey aqoonsiga uu maamulka Yahuuddu siiyey maamul-ka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Hoggaamiyaha Xuutiyiintu, waxa uu si cad u sheegay in dhulka uu ka arrimo maamulka Somaliland uu noqon doono bartilmaameed millateri, oo bartilmaameed u noqon doona kooxdiisa, haddii maamulka Yahuuddu halkaas ku yeesho ayuu yiri wax joogitaan ah.
Waxa kale oo carrabka uu ku dhuftay in joogitaan kasta oo ciidamada gumaysiga Yahuuddu ku yeeshaan gobolka Somaliland uu yahay gardarro ka dhan ah Soomaaliya iyo Yemen, sidaas darteedna maleeshiyaadkiisu ay weearari doonaan deggaannadaasi.
Wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka ku yaalla labada dhinac ee Badda Cas iyo guud ahaan dunida Carabta iyo Islaamka inay si wada-jir ah u qaadaan tallaabooyin iyo ficillo wax ku ool ah si loo joojiyo ayuu yiri xad-gudubka ay Yahuuddu ka waddo Soomaaliya.
Sidoo kale hoggaamiyaha Xuutiyiintu, wuxuu ka sanqariyey, inay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka taageeraya garab-istaagga shacabka Soomaaliyeed, isagoo muujiyey diidmo ku aaddan in qayb ka mid ah Soomaaliya loo beddelo saldhig-yahuudeed.
Hanjabaadda Xuutiyiinta ayaa imanaysa kadib markii maamulka Yahuuddu uu dal madax-bannaan u aqoonsaday maamulka Somaliland, isla markaana mas’uuliyiin ka tirsan Sahaayinadu ay sheegeen in tallaabadan ay uga faa’idaysan doonaan arrimo millateri oo ka dhan ah Yemen iyo Iraan.