Xuuthiyiinta Yeman oo Weeraray Garoonka Diyaaradaha Yahuudda ee Ben Gurion.

May 14, 2025

Kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, ayaa weerar culus oo gantaalo loo adeegsaday waxay ku qaadday garoonka diyaaradaha ugu weyn ee maamulka Yuhuuddu xoogga ku heysto ee Ben Gurion, garoonkan ayaana kuyaal duleedka magaalada Tal-abiib.

Weerarka gantaallada ay Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ben Gurion, ayaa sababay in lagu kala cararo garoonka lana xiro, waxaana la weeciyay diyaarado la sheegay in garoonka kasoo degi lahaayeen xilliga uu weerarku socday.

Shalay ayey aheyd markii sidan oo kale markii Xuutiyiintu weerar sidan oo kale ah ay ku qaadeen isla garoonkan Bin Gooriyon, xuutiyiinta Yemen, ayaa marar badan horey usoo saaray digniino la xariira in garoonkaasi xiran yahay, iyagoona uga digay diyaaradaha caalamiga in garoonkaasi adeegsadaan , maadaana saacad kasta ay kooxda weerar ku qaadi karto.

Yuhuudda, ayaana awoodin in weerar toos ah ku qaado Xuutiyiinta Yemen iyaga oon taageero ka heleyn Mareykanka oo dhawaan heshiis xabbad-joojin ah la gaaray Xuuthiyiinta.