Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Yemen ayaa soo saaray warsaxaafadeed hanjabaad ah oo ay kaga hadlayaan xiisadda sii xoogeysaneysa ee gobolka Bariga Dhexe ku dhex maraysa maamulka Yahuuda iyo dowladda shiicada ah ee Iran, kaasoo si gaar ah u taabanaya haddii uu Maraykanku si toos ah dagaalkan ugu biiro.
Warsaxaafadeedkan ayaa u muuqda digniin rasmi ah loogu dirayo Washington maadaama Xuuthiyiintu ay ka dhawaajiyeen hadii Trump uu dagaalkan ku biiro ay iyaguna soo celin doonaan weeraradooda xoogan ee ka dhan ah maraakiibta Maraykanka iyo xulafadiisa ee Badda Cas.
Bayaanka waxaa lagu xusay in weerarrada Yahuuda ee ka dhanka ah Gaza, iyo duullaannada joogtada ah ee ay kula kacaan Suuriya, Lubnaan iyo xitaa Iran, ay yihiin calaamad cad oo muujinaysa qorshaha Sahyuuniyadda ee ah in si buuxda loo xukumo gobolka Bariga Dhexe.
Waxay ku eedeeyeen Maraykanka inuu yahay fuliyaha koowaad ee siyaasadda maamulka gumaystaha, taasoo lagu marmarsiyoonayo wax ka beddelidda wejiga siyaasadeed ee gobolka.
Waxay sheegeen in Maraykanku doonayo inuu meesha ka saaro dawlada shiicada ah ee Iran maadaama ay u arkaan in ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan damaca Yahuuda iyo qorshaheeda gobolka.
“Haddii Maraykanku galo dagaal toos ah oo uu garabsiiyo cadowga Israa’iil, ciidamadeena waxay si toos ah u beegsan doonaan maraakiibta Maraykanka gaar ahaan kuwa dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee ku sugan Badda Cas” ayaa lagu yiri war qoraaleedka kasoo baxay Xuuthiyiinta ee Yeman.
Warsaxaafadeedkan ayey sidoo kale waxaa ay Xuuthiyiintu ku sheegeen in ciidamadoodu si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo milatari oo gobolka ka socda, islamarkaana ay diyaar u yihiin qaadista tallaabooyin difaac ah.
“Ciidamadeena ayaa kormeer iyo indho-indhayn ku haya dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda gobolka oo ay ku jiraan kuwa cadawga ku ah dalkeena, waxaanay qaadi doonaan talaabooyinka loo baahan yahay ” ayaa makrale lagu yiri warsaxaafadeedka Xuuthiyiinta.
Digniintan cusub waxay imaaneysaa iyadoo mar dhaw la sheegay inuu jiray isfaham iyo wadahadal dhex maray Xuuthiyiinta iyo Mareykanka, hase yeeshee warsaxaafadeedkan ayaa muujinaya in haddii Maraykanku furo furin dagaal oo toos ah oo ka dhan ah Iran ay xuuthiyiintu aysan ku ekaan doonin dhulka Yemen oo kaliya, balse ay dagaalka ka dhigi doonaan mid ballaaran oo badaha gobolka ku faafa.