Mar kale mid kamid aa kooxaha ka dagaallama wadanka Yemen ee ku xiran dowladda Iiraan ayaa ku goodisay in ay weeraro ku beegsanayso masaalixda Yahuudda, haddii ay saldhigyo ka sameystaan waqooyi galbeed Soomaaliya.
Cabdimalik Alxuuthi oo ah hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen ayaa war cusub oo uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannada kooxdiisa ay sii wadi doonaan raadraaca ay ku hayaan imaanshiyaha Yahuudda ee deegaannada Somaliland, islamarkaana ay isku diyaariyeen beegsiga sahaayinada.
“Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Somaliland wuxuu aaday isagoo dhuumanaya oo ka baqaya weerar uga yimaad dhanka Yemen” ayuu yiri Cabdimalik Alxuuthi isagoo hadal ka jeedinayay telefeshin fadhigiisu yahay magaalada Sanca.
Saraakiil katirsan maamulka Yahuudda ayaa la gasoo xigtay in ay qorshanayaan saldhigyo ay ka sameystaan gobollada waqooyi galbeed soomaaliya, si ay uga duulaan wadanka Yemen.
Aqoonsigii ay Sahaayinadu siisay maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa la rumeysanyahay in uu abuurayo colaad cusub oo saameysa wadamo ay kamid yihiin Yemen ,Jabuuti iyo Soomaaliya.