Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa markale ka hadlay dhulboobka baaxadda leh ee ka socda xaafado katirsan magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku howlantahay kooxda ridada Soomaaliya.
Xubno katirsan golaha isugu yeeray Samatabixinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen in Xasan Gurguurte uu weli hoggaanka u hayo mashruuca dhulboobka ee sida xowlliga ah uga socda inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
Xildhibaan Gamaa’diid oo katirsan golaha dawaaqiidda ayaa ku eedeeyay Axmed Macallin Fiqi, wasiirka gaashaandhigga kooxda ridada in uu kamid yahay qandaraaslayaasha waaweyn ee lacagaha malaayiinta doollar ah ka sameynaya dhulalka laga boobay shacabka tabaalaysan ee magaalada Muqdisho.
Kooxda Ridada ayaa lagu eedeeyay in ay gaadiidka cagaf-cagafta ku burburisay guryo ay deganaayeen dad shacab danyar ah, islamarkaana dhulalkaas lagasii iibiyay ganacsato iimaanlaawayaal ah, Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah golaha dawaaqiidda ayaa Xasan Gurguurte ku tilmaamay nin ka macaashaya hantida dadka marrasta ah.
Ma ahan markii ugu horraysay oo kooxda riddada lagu eedeeyo dhulboobka baxaadda leh ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waase qeyb ka mid ah dhibaatooyinka xargaha goostay ee ay ku hayso shacabka ku dhaqan goobaha ay ka arrimiso.