Xubnahaan oo ka tirsan gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka ridada ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen inay qaadaceen qorsho ay wadato kooxda ridada ee Xasan Gurguurte kaasoo wax ka badal loogu sameynayo Dastuur gaaleedka kooxda ridada ay ku dhaqanto.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay in guddoonka Baarlamaamka ridada uu sidoo kale qaatay qorshe ah lagu dheeraynayo kalfadhiyada Baarlaamka ridada si uu Xasan Gurguure ugu suuragasho inuu badasho Dastuurka ridada.
Dhinaca kale xubno ka tirsan gudiga wax ka badalka Dastuurka ridada oo iyagana shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay inaysan waxba ka ogeen qorshaha ay wadato Villa Soomaaliya ee ay ku doonayso inay ku badalato cutubyo ka tirsan Dastuurka ridada.
Xasan Gurguurte oo mudde xileedkiisa ay kaga harsan tahay 3 bilood ayaa doonayo inuu badasho Dastuurka ridada si uu ugu fushado damaciisa doorashada soo socota taasoo ay si weyn kaga soo horjeedaam mucaaradkiisa.