Xogihii ugu Dambeeyey ee Dabka California.

Feb 6, 2025

Qaar badan oo kamid ah joornaalada Mareykanka ayaa wax ka badaabacay dabka Mareykanka iyo xaalada guud ee gobolka California si gaar ahaaneed magaalada Los Angeles.

Waxay warbixinadu intooda badan tibaaxayaan in xaaladu ay wali taagantahay walow indhaha warbaahinta ay dhan kale u jeheysteen hawadana dabka ayaa gaaray dhulal hor leh maalmihii lasoo dhaafay, isagoona geystay burbur baahsan basbeeliyayna dhismayaal dhaadheer.

Tira koob la sameeyey markii ay soo idlaatay bishii Janaayo ee hadda lasoo dhaafay ayaa muujinaya in ay baabe’een ilaa 16,000 oo guri oo qaarkood ay ku fadhiyeen malaayiin dollar, waxa uu dhulka ku daray oo uu lama dagaan ka dhigay dhul gaaraya ilaa 95.9 kiiloomitir laba jibaaran, taasoo muujineysa xadiga musiibada ku habsatay Mareykanka waliba muddo kooban.

Khasaaraha hantiyadeed oo ilaa hadda tira koobkooda lasoo saaray ayaa gaaraya 164 Bilyan oo dollar, waana xadi shacabka California si gaar ahaaneed kuwa ku nool magaalada Los Angeles ay ku qaadan doonto iney kasoo kabtaan sando badan.

Ciqaabtan ku habsatay Mareykanka ayaa lagu tilmaamay midii ugu darneyd ee soo marta taariikhda gobolkan ay isugu tageen hantiilayaasha ugu waaweyn Mareykanka, waana abaal gurdka xukuumada Washington oo har iyo habeen sahaayinada la garab taagan hantida iyo hubka lagu xasuuqo shacabka reer Filistiin.

FAAFREEB PRO