Sida ay daabacday shabakadad Middle east Eye (Midhel Isti aay) kulanka oo saacado badan qaatay ayaa kusoo idlaaday in Abiy Axmed uu helo wixii uu in mudda ah baadi goobayay oo ah badda soomaaliya qeyb kamid ah.
Mas’uul u hadlay xukuumadda dabadhilifka Turkiga ayaa sheegay in wada-xaajoodka labada dhinac uu socday ku dhawaad 7 saacadood oo aan kala go’ lahayn, iyadoona si toos ah uga qeyb gelayeen Erdogan oo ah madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ninka lagu magacaabo Hakan Fidan.
ilo wareedyo ayaa shabakadda usheegay in saacado badan uu Abiy Axmed diidanaa in uu saxiixo wax muujinaya in uu aqoonsanyahay wax ladhaho midnimada soomaaliya taas bedelkeedna uu ku dheganaa in meesha laga saaro soomaaliya.
Abiy ayaa diiday in uu ka laabto heshiiskii uu lasaxiixday Muuse Biixi hoggaamiyihii hore ee Somaliland taas bedelkeedna wuxuu soo jeediyay in warqadda heshiiska lagu qoro in Itoobiya ay bad ka doonayso soomaaliya waxaana la aqbalay dhammaan qodobadii uu ku madax adeygayay.
wararka ayaa intaas ku daraya in markii wadahadalladu meel adag gaareen uu Turkigu ku cadaadiyay Abiy uu aqbalo in qoraalka heshiiska lagusoo daro waxaan aqoonsanahay madaxbanaanida dhuleed ee soomaaliya iska diiday in uu heshiiska lagusoo daro ka laabashada MOU-ga iyo waxaan aqoonanahay midnimada soomaaliya.
wafdigii metelayay kooxda Ridada soomaaliya ayaa markii uu xaalku ku adkaaday cadaadisyo isdaba joog ah iyo goodisna kala kulmeen dowladda Turkiga waxay miiska soo saareen qaanuun gaaleed lagu magacaabo Montevideo kaasi oo lasaxiixay sanaddii 1933,heshiiskan ayaa dhigaya in dowlad walba qasab ku tahay in ay aqoonsanto dowladda kale ee dariska la ah.
Shabakadda Middle east Eye waxay warbixinta ay ka qortay heshiiskii Ankara ku sheegtay in Itoobiya ay heshay laba hadaf oo muhiim u ah, tan koowaad waa in ay heshay Marin badeed midda labaadna waa in Xasan Gurguurte uu aqbalay in ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka afrikaanta cusub ee AUSSOM kaasi oo billaaban doona 25 bisha Janaayo ee sanadda soo socota.
Arrinta layaabka leh ayaa ah in kooxda ridada ay guulweyn u aragto aqoonsi ay ka hesho Itoobiya iyadoo baddii umadda soomaaliyeed gacanta ugu gelisay cadowga.
Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in dowladda Xabashida Itoobiya ay isku heli doonto marin badeed,dekad iyo saldhig ciidan oo ay degsato ciidankeeda badda, waxaana arrinkaas tusaale u ah in Abiy Axmed uu bilo ka hor iska diiday yabooh uga yimid Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa in uu qaato dekadda Taajoora ee dalka Jabuuti balse shardi in uusan saldhig ciidan ka sameysan karin.
Itoobiya ayaa iska diiday dekadaas lagu baryaye waxayna doonaysaa badda soomaaliya si ay iga dhisato saldhig ay qeyb uga noqoto loollanka badeed ee ka jira marinka muhiimka ah ee Baabul mandab xataa ma doonayso badda Hindiya ee soomaaliya waxa kaliya ee ay doonayso waa badad cas.