Waxaa soo baxaya warbixinno hor leh oo tooshka ku ifiyey xasuuqqa ba’an ee dhawaan maleeshiyaadka Imaaraadku taageero ee RSF ay ka geysteen magaalada Al-Fashir ee xarunta gobolka Darfur ee dalka Suudaan.
The Guardian oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalalka gaallada reer-galbeedka kana soo baxa Ingiriiska ayaa warbixin uu daabacay saacadihii lasoo dhaafay way soo bandhigaysaa sida ay maagalada AL-Fashir isugu beddeshay kawaankii bani’aademka.
Wuxuu faahfaahin ka bixiyey khasaare culus oo soo gaaray dadka shacabka ah kadib markii 6 usbuuc ka hor magaalada Al-Faashir ay qabsadeen maleeshiyaadka RSF. Iyadoo maydad badan oo qaarna la gubay qaar kalena lagu guray godad waaweyn lagu ogaaday baaritaanno cusub oo la sameeyey.
Xubno ka tirsan baarlamaanka dawaaqiidda Ingiriiska ayaa soo bandhigay xog ay sheegeen in ay heleen oo tilmaamaysa in saddexdii usbuuc ee lasoo dhaafay oo kaliya magaalada Al-Faashir lagu dilay ugu yaraan 60,000 qof.
The Guardian ayaa sidoo kale sheegtay in ilaa 150,000 oo qof oo kale la la’ yahay tan iyo markii RSF ay qabsatay magaalada 26-kii October, kuwaas oo ilaa haatan aan la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo laga cabsi-qabo in dhammaan dadkaasi iyagana la xasuuqay.
Sawirro uu qaaday dayax-gacmeedku ayaa muujinaya suuqyadii camirnaan jiray ee Al-Faashir oo gebi ahaanba haawanaya, muuqaalkooduna isku beddelay sidii kawaanka xoolaha oo kale. Iyadoo dadkii halkaasi isaga qaxayna ay la dhibaataysan yihiin macaluul aad u daran
Xeel-dheerayaal u dhaqdhaqaaqqa waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha oo wargeysku uu soo xigtay ayaa dhacdada Al-Faashir ku tilmaamay mid ka mid ah dembiyada dagaal ee ugu xun ee ka dhacay, Suudaan muddadii 32-ka bilood ahayd ee dagaalladu ay ka socdeen, kuwaas oo ay ku dhinteen ilaa 400,000 qof, isla markaana 13 milyan oo ruux oo kalena ay ku barakaceen.