Warbixin uu daabacday wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee Le Monde ayaa iftiimisay saameynta bini’aadantinimo ee aadka u daran ee dagaalka ka socda Qaza ku yeeshay dareenka maqalka ee dadka Filistiiniyiinta ah.
Sida lagu sheegay baaritaan ay samaysay hay’ad maxalli ah oo ka shaqaysa gudaha Qaza, ku dhowaad 35,000 oo carruur iyo dad waaweyn ah ayaa ka wax yeeloobay maqalka Labdii sano ee lasoo dhaafay, waxayna isugu jiraan kuwa si buuxda u dhaga belay iyo kuwa uu culusyahay maqalkooda.
Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadatay sheekada gabadh da’aadeedu ay ka hooseyso 15-ka sano oo la yiraahdo Dana, taas oo maqalka lumisay kadib qarax gantaal oo ka dhacay meel u dhow goob ay jiiftay, Tan iyo maalintaas ayey warbixintu tiri waxaa si aad ah u adkaaday la tacaamulkeeda bulshada si gaar ahaaneed qoyskeeda, maadaama aysan jirin cid familkeeda kamid ah oo taqaan luqadda calaamadaha ee ay ku hadlaan dadka dhagaha beela, isla markaana aysan jiri adeegyo caafimaad oo buuxa ama qalabka dhagaha lagu xirto ee saacidi kara.
Waalidiinta Dana ayaa ku qasbanaaday in inantooda ay geeyaan xarunta caafimaadka ee loogu talagalay in lagu xanaaneeyo caruurta dhagaha ay waxyeelada kasoo gaarto, balse nasiib daro waxay yuhuuda kol hore burburiyeen xaruntii wayneyd waxayna xaruntu hadda ku shaqeysaa goob iska yar oo aysan u dhameystirneyn adeegyadeeda aas-aasiga ah.
Khubarada caafimaad ayaa u sheegeen qoyska Dana in xarigga dareemaha maqalka (auditory nerve) uu si xun u dhaawacmay, suuragalna tahay in gebi ahaanba uu dhintay sababo la xiriira xoogga gantaalka ku ag dhacay ee sameeyey qaraxa.
Wargeysku waxa uu kaloo xusay sheeko Iyana murugo xambaarsan oo ku dhacday Ayan Al-Qarra, waxaa goob aanan ka fogeyn teendho ay ku sugnaa ku dhacay gantaal xoogan kaasoo dhulka ku riday dushana kaga daadiyey bacaadka Qaza, Hooyadii Safa ayaa warfdiyeenka u sheegtay in ay heleen ilmohoodii oo dhulka ku aasmay kaliyana laga arkayo lugaha, in kasta oo uu ka badbaaday dhimashada haddana baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyey waxay muujiyeen in maqalkiisu uu gebi ahaanba uu lumay.
Khubaradu waxay sheegeen in dhibaatada maqalka ee haysata caruurta iyo dadka waaweyn ee Qaza aysan kaliya ka dhalan marka uu qofka ku ag dhaco gantaal xoogan, balse sidoo kale uu ka dhasho hirarka dhawaaqa aadka u xooggan ee qaraxyada burburinada Qaza uga socda sida guud ee aanan kala joogsiga lahayn har iyo habeen, kuwaas oo sababa dhaawacyo aan inta badan la daaweyn karin.
Gunaanudkii warbixintu waxay xustay in shaqaalaha caafimaadka ay ka digayaan in nafaqo-xumada, ciriiriga xeryaha barakacayaasha iyo maqnaanshaha daryeelka aasaasiga ah ay kordhin karaan tirada carruurta ku dhalanaysa ama la kulmeysa naafonimo xagga maqalka ah.
WQ/TEAM FAAFREEB