Xiritaanka Hay’adda Maraykanka USAID oo Saameyn Xooggan ku Yeelatay Kooxda Gurguurte.

Oct 22, 2025

Kadib go’aankii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku xiray hay’adda USAID ayeey saameyn xooggan ku yeelatay dowladdo badan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo sanadkasta maalgalin ka heli jiray hay’addaasi.

Kooxda Ridada Soomaaliya oo ku tiirsan tabantaabada iyo taakulada ka timaada dowladaha reer galbeedka ayaa kamid ah dhinacyada uu saameynta ugu xooggan ku yeeshay go’aankaasi uu qaaday gaal Trump.

Waxa loogu yeero Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska ee taabacsan nidaamka ridada Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyay qiray in saameyn xooggan ay ku yeelatay xiritaanka hay’adda Maraykanka USAID.

Madaxa bankigaasi oo ka qeybgalayay shir looga hadlayay arimha dhaqaalaha oo ka dhacay magaallada London ee caasimada Ingiriiska ayaa sheegay in dhaqaalaha ridada uu hoos udhac weyn ku yimid, islamarkaana ay gaartay heer ay saameyn ku yeelatay nidaamkooda canshuur qaadista.

Kooxda Ridada ayaa dalbatay in lala soo gaaro kaalmo, iyada oo markale banaanka soo dhigtay in aysan ka maarmiin deeqaha uga yimaada dowladaha shisheeye, dhanka kalane ay hoos udhacday rajadii ay gaalladu ka qabeen nidaamkaani.

Tan iyo markii xukunka u yimid Donald Trump ayuu qaaday tallaabooyin uu ku yaraynayo qarashaatka dibadda kaga baxo dowladiisa, iyadoo dhanka kale wali Maraykanka uu ka meermaarayo in uu bixiyo qarashaatka ku baxaya howlgalka ciidamada kufaarta Afrikaanta.