48-dii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada qabsaday hadalheynta ka dhalatay mooshinka laga keenay xukuumadda Ridada soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xamza Cabdi Barre.
Xildhibaanno katirsan golaha dawaaqiidda ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu marayo heer geba gaba ah maraya islamarkaanka dhowaan cod loo qaadi doono.
Jawaab celintii ugu horraysay oo katimid hoggaanka kooxda Ridada ayaa lagu sheegay in xildhibaannada mooshinka wado ay yihiin qaswadayaal doonaya in ay xagal daaciyaan wax ay ugu yeertay deganaanshiyaha siyaasadda dalka.
Nin lagu magacaabo Kamaal Guutaale oo madax ka ah Xafiiska Xamza Cabdi Barre madaxda xukuumadda Ridada ayaa ku eedeeyay xildhibaannada mooshinka ka karkarinaya magaalada Nairobi in ay ajandayaal halis ah maleegayaan.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka kana mid ah xildhibaannada golaha dawaaqiidda ayaa ku eedeeyay Xasan Gurguurte iyo R/wasaarihiisa in ay ku dhaqaaqeen xatooyo aad udaran oo ay ugeysteen hantida shacabka Soomaaliyeed.
Qoraal uu ku faafiyay mareegaha murtadiinta ujanjeera iyo baraha bulshada ayuu ku bidhaamiyay falalkii ugu dambeeyay ee kooxda Ridada ay ka geysatay magaalada Muqdisho iyo boobka dhulalka danta guud.
” Xukunka Xasan Sheekh wuxuu noqday ganacsi qoyseed, damiirka dadka oo la iibsado, hantidii dadweyne oo loogu takrifalo sidii mid gaar ah, iyadoo loo qaybinayo xulafada siyaasadeed, xubnaha qoyska, iyo geesawayn kooban oo macaash doon ah, halka danyartii ay kadeedan yihiin oo ay silcayaan. Tani ma aha hoggaamin ee waa boob iyo dhac”ayuu yiri Xildhibaankan katirsan golaha dawaaqiidda.
Xukuumadda kooxda ridada ayaa lagu eedeeyay in ay geysatay wax walba oo xummaan ah ayna dhulalkii dadweynaha iyo kuwa danta guud iibsi ku hayso iyadoo aan cidna u aabba yeelaynin.
“Musumaasuqii ayaa sidii furuqii u faafay, nin walbow naftaa iyo wixii aad soo gaarto xaabso ayey noqotay eexdii ayaa la sharciyeey, isla xisaabtankiina waa la xabaalay, natiijadii waxay noqotay,, xukuumaddii in ay lumisay kalsoonidii shacabka, muwaddiniintiina ay ku ridday quus iyo niyadjab wayn,
Hab-dhaqankaan lagu naaxinayo geesawaynta taageersan maamulka, qoyska iyo xulafada siyaasadeed oo keliya ah waa eex sumaysan oo shidaalinaysaa caro xooggan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli siyaasiyiinta mucaaradka murtadiinta iyo Xasan Gurguurte ay uballansanyihiin is arag kale oo lafilayo in uu kusoo idlaado kala tag waxayna isku mari la’yihiin sida laga yeelayo waxa loogu yeero doorashooyinka oo kooxda Ridadu ay qabsan doono bilaha ugu horrreeya ee sanadda 2026.