Xildhibaan Murtad ah oo Qiray in Murtad Garguurte uu Qorsheynayo Inuu Weeraro Mucaaradka.

Sep 3, 2025

Murtad Maxamad Cumar “Caana-Nuug” oo ah mid kamid ah xildhibaanada Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa sheegay in murtad Gurguurte uu udiyaargaroobayo dullaan uu ku qaado siyaasyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

Wuxuu ninkaani qoraal uusoo dhigay bartiisa Facbook uu ku sheegay in Xasan Gurguurte uu hada duleedka Mogdisho ku diyaarinayo ciidamo gaaraya kumanaan kun oo askari.

isaga oo hadlayay ayuu yiri”Waxaa bannaanka usoo baxay xogo sugan oo aan ka xaqiijiyay ilo wareedyo la’isku halayn karo, taas oo muujineyso in duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho lagu diyaarinayo ciidamo gaaraya SADDEX KUN IYO SHAN BOQOL oo askari, kuwaas oo la doonayo in loo adeegsado wax ka baxsan waajibaadka sharciga ah”

“Sida aan xogta ku helay waxaa muuqata in MW Xasan Sheekh Maxamuud uu isku diyaarinayo si uu awood ciidan ugu adeegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama muddo xileedkiisa ay bilo kooban ka harsanyihiin” ayuu yiri.

Hadalkaan kasoo yeeray xildhibaankaan katirsan Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo mudooyinkii dnabe cirka uu galay khilaafka ka dhaxeeya madaxa ridada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

Waxaa fashlmay isku dayo dhowr ah oo gaalada caalamka a ku doonayeen in ay ku heshiisiiyaan hogaamiyaasha ridada, waana kuwa dhaqan iyo caado uleh in xili kasta a isqabtaan marka lasoo gaaro doorashooyinka gaaleedka.