Xiisado Colaadeed oo u Dhaxeeya Murtadiinta oo ka Taagan Jowhar.

Sep 4, 2025

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay ka jiraan magaalada jowhar kuwaas oo u dhaxeeya maleeshiyaad kawada tirsan murtadiinta.

Waxaa banaanka usoo baxay khilaaf u dhaxeeya hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle iyo saraakiil katirsan kooxda Riddada kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay lagasoo abaabulayay dhanka Muqdisho.

Boqolaal maleeshiyaad ah ayaa soo gaaray magaalada jowhar waxayna ku wargeliyeen saraakiisha ku dhow Cali-Gudlaawe in ay doonayaan isbedel dhanka maamulka ah oo ka hirgala gobolka

Wasiirka maaliyadda maamulka Hirshabelle ayaa qoraal uu ku faafiyay bartiisa facebook-ga wuxuu uga digay shaqaaqo hubaysan oo ka dhaca jowhar isagoo eedayn culus ujeediyay dhinacyada wada abaabulka ka dhanka ah hoggaamiyaha maamulkaasi fadhiidka ah.

Goob joogayaal ku sugan magaalada jowhar ayaa sheegay in ay dareemayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado colaadeed,warar maalmihii lasoo dhaafay laysla dhaxmarayay ayaa tibaaxayay in Xasan Gurguurte uu isbedel dhanka hoggaanka ah ladamacsanyahay maamulka riddada Hirshabelle ka hor inta aan lagaarin bisha October ee soo socota, kolkaas oo kooxda riddada ay qaban doonto waxa loogu yeero doorashooyin qof iyo cod ah.

Saneey Cabdulle iyo saraakiil kale oo katirsan kooxda riddada ayaa cadaadis xooggan ku haya Cali-Guudlaawe oo ay doonayaan in ay kala wareegaan magaalada jowhar balse lama oga sida uu isku difaaci doono hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle