Magaalada Muqdisho waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa mucaaradka iyo dowladda ridada Soomaaliya.
Mucaaradku waxay dhaliil xooggan u jeediyeen maamulka Villa Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay xukuumaddan in ay ka baxday ballanqaadyadii ku saabsanaa waxay ugu yeereen doorasho xor ah oo hufan, iyo in ay caburineyso xorriyadda hadalka iyo banaanbaxa.
Xisbiyada mucaaradka ee loogu kala magac daray Himilo Qaran, UPD, iyo kuwo kale waxay war-murtiyeed si wadajir ah u soo saareen ku sheegeen in la joojiyay kulamadii wadatashiga, iyagoo sheegay in kooxda Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso qorshe doorasho oo aan la isla oggolayn.
Waxaa sidoo kale jira sida mucaaradku ay sheegayaan cabashooyin ku saabsan awood u adeegsi lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo xirnaanshaha qaar ka mid ah xarumahooda.
Dhanka kale wasiirka Warfaafinta kooxda ridada Soomaaliya ayaa sheegay in mucaaradku uu ka leexday miiska wadahadalka si uu u helo taageero siyaasadeed oo dibadda ah.
Tani ayaa haadaan kasii tuureysa masiirka liita ee kooxda ridada Muqdisho, waxaana saacadba saacada ka dambeysa laga dardaar warinayaa xukuumadan iney mari doonto wado lamid ah kuwii ka dhisnaa wadamada Afghanistaan iyo Suuriya ee dhawaaqiida ahaaa.
FAAFREEB PRO