Xiisad dagaal oo udhaxaysa maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa maanta ka taagan magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo,
Wararka halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku hub uruursanayaan lagana yaabo in markale uu qarxo dagaal xoogan.
Guud ahaanba waxaa joogsaday dhaqdhaqaaqii magaalada, iyadoo dhanka kale dadka shacabka ah ay bilaabeen in ay isaga barakacaan Baladxaawo cabsi ay ka qabaan in lagu dul dagaalamo.
Saraakiil katirsan Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa sheegay in hogaamiyaasha maamulka Jubbaland ay ku dadaalayaan sidii ay dagaal uridi lahaayeen ayna gacanta ugu dhigi lahaayeen magaaladaasi.
Labo maalin kahor ayeey aheyd markii dagaallo xoogan oo udhaxeeya maleeshiyaatka murtadiinta uu ka dhacay gudaha Balsdxaawo kaas oo maamulka Axmad Madoobe kula wareegay gacanta ku heynta dagmadaasi.
Tan iyo markii uu xumaaday xiriirkii udhaxeeya Xasan Gurguurte ityo Axmad Madoobe, Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa isku daysay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd gobolka Gedo, iyadoo dagaallo xoogan oo udhaxeeya murtadiintaasi ay ka dhaceen qeybo kamid ah dagmooyinka gobolkaasi iyo sidookale deegaanka Raaskambooni ee gobola Jubbada-Hoose.