Magaalada Ankara ee caasimadda wadanka Turkiga waxaa ka socda qaban qabaabada kulan fool ka fool ah oo ay yeelanayaan Xasan Gurguute madaxa kooxda Ridada soomaaliya iyo Abiy Axmed R/wasaaraha xabashida Itoobiya.
Wararka ka imaanaya Turkiga ayaa sheegaya in Rajeb Erdogaan uu uyeeray labada dhinac si ay usaxiixaan heshiis cusub oo meesha looga saarayo khilaafkii soo kala dhaxgalay horraantii sanadkan sii idlaanaya.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxa kooxda Ridada soomaaliya uu qalinka ku duugi doono in Itoobiya lasiiyo marin biyood iyadoo soo maraysa isaga islamarkaana uu ogolaanaya in ciidamada xabashida Itoobiya kasii mid noqdaan howlgalka kufaarta afrikaanta ee Soomaaliya.
Wariyaal ayaa soo sheegay in Abiy Axmed uu isna saxiixi doono in uu ka laabtay heshiiskii uu horraantii sanadkan lasaxiixday Muuse Biixi balse damaciisa badeed uu usoo marayo Xasan Gurguurte.
Diblumaasiyiin ku sugan Turkiga ayaa lagasoo xigtay in labada dhinac aysan marka hore si toos ah isku arki doonin oo uu udhaxaynayo Erdogaan balse gelinka dambe ee maanta ayaa lafilayaa in ay is hor fadhiistaan kadibna ay heshiis saxiixaan.
wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu lahaa codsiga kulanka sababa laxiriira isagoo ka cabsi qabo in Abiy Axmed uu ciidamadiisa kala baxo magaalooyin dhaca Koonfurta Soomaaliya.
Madaxa kooxda ridada oo ah dabadhilif caan ku ah gebi dhaclayn siyaasadeed ayaa horay usheegay in uusan wax kulan ah la qaadan doonin Abiy Axmed illaa uu ka iclaamiyo in uu ka baxay MOU-gii uu lagalay Somaliland waxaana muuqata in waxaas oo idil uu meel iska dhigay hadane uu lakulansanyahay R/wasaaraha Itoobiya.
Horay waxaa ufashilmay 2 kulan oo ay yeesheen labada dhinac