Xasan Gurguurte Oo Sheegay In Uu Maraykanku Ku Wareejinayo Dekado Kuyaal Somalia.

Mar 29, 2025

Warbixin ay daabacday shabakad lagu magacaabo Semafor oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in madaxa kooxda Ridada Soomaaliya, murtad Xassan Sheekh Maxamuud uu Maraykanka hordhigay una yaboohay inay la wareegto maamulka dekado istaraatiiji ah oo kuyaal waqooyiga dalka Soomaaliya.

Shabakaddu waxay soo xiganaysaa warqad uu ku saxiixan yahay murtad Xassan Gurguurte, taasi oo la sheegay in uu u diray dhiggiisa Maraykanka ee Trump 16-ka bishan Maarso, waxay shabakaddu sheegtay in waraqadda ay arkeen ay ku xusan tahay in maamulka cusub uu la wareego dekedo kuyaalla gacanka Cadmeed.

Warbixinta shabakaddu daabacday waxay intaas ku dartay in dekadaha loo soo bandhigay in uu la wareego maamulka Trump ay ku yaalaan meelo aad muhiim u ah, wuxuuna ku kala sheegay dekadaha Berbera iyo Boosaaso oo ay hadda gacanta ku hayso dowladda Riddada ah ee Imaaraadka Carabta.

“Arrintani waxay Washington siinaysaa fursad ay ku maamusho waddooyinka muhiimka ah” ayaa lagu yiri waraaqda ay heshay Semafor, waxayna intaas kusii dartay dekedahaasi kuyaal waqooyiga Soomaaliya ay Maraykanku ka caawinayaan in uu yeesho saldhigyo ciidan, sidoo kalena uu agabyo kala soo dego sida shabakaddu sheegtay.

Shabakaddan laga leeyahay Maraykanka, waxay sheegtay in qorshahaan uu yahay mid kooxda Ridada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho uga hortagayso in Washington ay aqoonsi siiso maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland.

Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli tan iyo doorashadii Trump ay aad isu soo tarayeen wararka la xiriira in maamulka cusub uu qorsheynayo in uu aqoonsi siiyo maamulka murtad Cirro, kooxda Riddada ahna ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah qorshahaasi.