Xadkee Ayey Hadda Dhismihiisu Bilaabeen Yuhuuda?.

Nov 27, 2024

Sida uu daabacay wargeyska The Timse Of Israel maamulka yuhuuda ayaa maanta si toos ah u bilaabay dhismaha darbi xadeynaya dhulka Falastiini qeybta uu gumeystuhu heysto ee xadka la wadaaga wadamadanka Urdun.

Sida uu joornaalku uu kasoo xiganayo wasiirka difaaca yuhuuda, waxaa lagu wadaa in qorshahan lagu adkeeyo xadka maadaama mudooyinkan dambe ay sahaayinadu dhanka Urudn kala kulmayaan dharbaaxooyin xoogan.

Dhanka kale gumeystuhu waxa uu shaaciyey in qorshahan xeyndaabka lagu dhisayo uu socon doono muddo bilooyin ah, ayna ka qeyb qaadan doonaan shaqaalo fara badan, iyadoona dhulka la dhigi doono darbigii hore oo ay ku sheegeen inuu qadiimo noqday.

Xogo ka madax banana warbixinta joornaalka ayaa xusaya in xukuumada Binyamin Natanyaahu ay dooneyso in qaab siyaasadeysan ay marwalba u sameyso isfidin horleh, inta hadda uu socdo dhismahana la filan karo iney sameyso is balaarin ay gudaha ugu galeyso Urdun.

FAAFREEB PRO