Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa ku waramaya in dalkaasi laga helay xabaal wadareedyo badan oo ay ku aasanyihiin dad Keenyaati ah oo udhintay gaajo iyo haraad kadib markii ay uhogaansameen awaamir kaga timid baadariyaasha Nasaarada ah.
Hay’adaha danbi baarista Kenya ayaa sheegay inla helay qubuur Jamaaci ah, tirada dadka dhintay ee la arkay ayaana hada gaaraysa ilaa shan ruux oo la aasay maalmo kahor.
“27 xabaal oo laga shakisan yahay ayaanu haynaa, maanta waxaan ku guuleysanay in aan soo saarno lix, lixdii waxaan ka helnay shan meyd ah, sidoo kale agagaarka goobtaas waxaan ka helnay 10 qaybood oo kala duwan” ayuu yiri Richard Njoroge oo kamid ah dhaqaatiirta baarayay kiiskaani , isagoo xusay in 21 kale ay harsan tahay in la soo saaro.
Dadyow badan ayaa la rumaysan in ay malamihii lasoo dhaafay ku dhinteen deegaaka Kilifi oo 426 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Nairob ee caasimada wadankai.
Dhacdadaan ayaa la rumaysanyahay in ay daba socoto dhacdooyin sanadkii 2023 uga dhacay isla deegaankaais oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo keenyaaati ah kadib markii baadariyaasha Kaniisada ay amreen in dadkaasi ay ka go’aan cuntada iyo biyaha ilaa ay ka dhintaan sidaasna ay jano ku galayaan.