Xabaal-wadareedyo Cusub oo Laga Helay Kenya Hadaba Maxay Tahay Sababtu?

Sep 1, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku warramaya in xabaal-waareedyo cusub laga helay gudaha dalka, xilli ay sii kordhayaan dadka u dhimanaya is-gaajaysiin lagu sheegay mid cibaado ah.

Maydadka ugu yaraan todobo qof ayaa laga helay mid ka mid ah gobolada dalka, taasoo tirada guud ee illaa hadda la helay ka dhigaysa 32 qof tan iyo markii hawlaha baaritaanku bilowdeen.

Waxaa la xaqiijiyay in mashruucan is-gaajaysiinta uu hindisay mid ka mid ah baadariyaasha saliibiga ah, kaas oo dadka ku dhiirigeliyey in ay is-gaajaysiiyaan si ay ilaahooda baadhilka ah ay ugu dhawaadaan.

Dawlada Saliibiyada ee Kenya ayaa wajahaysa dhaleecayn xooggan, maadaama dhowr jeer ay hore u sheegtay in ay ka hortagayso kooxaha Kirishtaanka ah ee fikradaha khaldan ku faafinaya bulshada kenyaanka ah.

Dhanka kale, ehelo badan oo xubno qoyskooda ah nolol iyo geeri ku la’ ayaa si walaac leh u sugaya natiijooyinka baaritaanada socda.

Xabaal-waareedyadan mar kale laga helay guda Kenya waxay si weyn u muujinayaan halista ka dhalata kooxaha fikradaha khaldan ku marin habaabiya bulshada.

Waxaa weli taagan su’aal culus oo ah sida dawladda Kenya uga jawaabi doonto dhacdooyinka naxdinta ku noqday reer Kenya.

FAAFREB PRO