Xaalada Quusta ah oo Laga soo Sheegayo Xeradaja Jabaaliya ee Qaza.

Mar 24, 2025

Sida uu baahiyey joornaalka Washington Post waxaa xaalad bini aadanimo laga soo sheegayaa gudaha xerada Jabaaliya ee marinka Qaza tan iyo markii ay talaadadii lasoo dhaafay dib u bilowdeen duqeymaha bahalnimo ee sahaayinada.

Fariida Al-Ghowl oo ah saxafiyad iyo macalimada u dhalatay Qaza ayaa maqaal ay ku daabacday wargeyskan waxay ciwaan uga dhigtay reer Jabaaliya waxay kusoo toosaan urta dhiiga iyo uurada boorka, waxayna si guud u sheegtay in nolosha reer Qaza ay maanta tahay mid quus ah.

Waxay Fariida Al-Ghowl sheegtay in gudaha Jabaaliya oo ay hadda ku sugantahay ay noloshu noqotay mid ciriiri ah, sida biyaha nadiifka ah, cunada iyo shidaalka gawaarida, dadka ugu roona bishan ramadaan waa kuwa ku afura shaah iyo rooti.

Waxay gunaanudkii qoraaga maqaalka ay sheegeysaa in Jabaaliya iyo guud ahaan Qaza bilicdeeda ay luntay, ilintuna ay dhabakaaga buuxineyso marka aad mareyso wadooyinka xaafadaha kala duwan maadaama dadkuba ay hooy ka dhigteen gudaha burburka, una sii dheertahay duqeymaha, haraadka, cunada la’aanta, daawo yarida iyo duruufaha kale ee nolosha ku xeeran.

FAAFREEB PRO