Waalidiinta iyo ehellada wiil dhalinyaro ah oo ku xirnaa xabsi kuyaal magaalada Wajeer ee dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, ayaa sheegay in wiilkooda uu jirdil u dhintay.
Waxay sheegeen in wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Xassan Aadam Axmed oo aan dambi lahayn uu isaga xirnaa xabsi kuyaal Wajeer, muddo dhowr bilood ah ayay sheegeen in uu xabsigaas ku jiray.
Ugu dambayn waxay ehelladu sheegeen in wiilkooda uu u geeriyooday jirdil ay u gaysteen ciidamada saliibiyiinta Kenya, waxay sheegeen inay arkeen maydka wiilkooda oo uu jirdil ka muuqdo.
Waxay tani qayb ka tahay dhibaatooyinka ay ciidamada saliibiyiinta Kenya ku hayaan dadka muslimiinta ee ku dhaqan dhulka NFD ee gumeyisga ku hoos jira, waxayna dadka shacabka ah isugu daraan dilal bareer ah, afduub, xarig aan kala sooc lahayn iyo jirdil xooggan.