Waxaa sii xoogaysanaya colaadda iyo dagaallada dhex-maraya jabhadda xoraynta amxaarada ee Fano iyo ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya.
Dagaallo qaraar oo maryo dhiig leh lagu kala furta ayaa laga soo tebinayaa in maalmihii u dambeeyey ay ka dhaceen deggaano ka tirsan gobolka amxaarada.
Dhinacyada iska soo hor-jeeda ayuu mid waliba geestiisa ka sheeganayaa guullo waaweyn oo uu kasoo hooyay dagaalladaasi, isla markaana uu wiiqay awooddii cadawgiisa.
Warbaahinta Ethio News oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dhinaca Fano ah ayaa ku warantay in weerarradan jab xooggan lagu gaarsiiyey ciidanka Itoobiya.
Marshet Tsehayu oo ah afhayeenka maleeshiyaadka Fano ee deggaanka Gojjam ayaa sheegay inay dhegta dhiigga u dareen ciidan gaaraya 5 guuto oo ay ku jiraan 11 Kornayl.
Sheegashada Fano ayaa timid laba maalmood ka dib markii ciidanka Itoobiya ay shaaciyeen inay dileen in ka badan 300 oo maleeshiyaadka Fano ah, 125 kalena ay dhaawaceen.
Waxa kale oo ay sheegeen in gacanta ay ku dhigeen 41 maxbuus oo ka tirsan maleeshiyaadka Fano, kuwaasoo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay deggaanno ka tirsan Gonder, Gojjam iyo Wollo.
Ilo deggaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay jirto dhimasho fara badan oo soo kala gaartay labada dhinac, inkastoo tiro sugan aanay carabaabin.
Usbuucan horraantiisii waxa kale oo lasoo werinayaa in ay dhaceen weerarro xooggan oo kooxaha mucaaradku ay ku qaadeen meelo u dhow magaalooyinka Gonder iyo Bahir Dar.
Geesta kale wararku waxay tibaaxayaan khasaare baaxad leh oo dadka rayidka ah kasoo gaaray dagaallada ka holcaya deggaannadaasi.