Howlgaladii Ugu Dambeeyay.
Gedo.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay howlgal Labo qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Beledxaawo waxeyna qaraxyadaas la beegsadeen Bar-kontarool iyo guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaatka Ridada.
Qaraxa ka dhacay Barta Koontarool waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo Murtadiin ah.
Shabeelada hoose.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Kufaarta Afrikaanta ee degmada Buulo Mareer.
Mandheera.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey qarax la beegsadeen gaari Kooyal ah oo ay la socdeen askarta Saliibiyiinta Kenya, gaariga ayaa ka baxay magaalada Mandheera waxa uu kusii jeeday degmada Raamo.
Gaariga Kooyalka ah ee qaraxa uu haleelay ayaa goobta ku basbeelay waxaana sidoo kale halaagsamay askartii Saliibiyiinta Kenya ee gaariga la socday.