Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar isugu jira dagaal toos ah iyo duqeyn la beegsadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Ceelasha-biyaha ee dhaca duleedka Muqdisho.
Waxaa si hordhac ah loo xaqiijiyay in weerarkan barakaysan ee isugu jira dagaalka tooska ah iyo duqaynta lagu dilay ilaa laba askari oo murtadiin ah, halka uu ku dhaawacmay askari kale, wuxuuna weerarkan qayb ka yahay silsilado howlgallo ah oo ciidamada mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka iyo madaxda kooxda Riddada Somalia.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidanka mujaahidiintu weerar culus oo madaafiic ah ku qaadeen xarunta sirdoonka kooxda Riddada ee (Habar-khadiijo) ee magaalada Muqdisho,, halkaas oo khasaare kala duwan lagu soo gaarsiiyay Riddada.