Wargeyska ayaa xusay in mujaahidiinta ay 25mile oo kaliya u jiraan Muqdisho halka kooxda Villa Somaliya ay wajahayso khilaafaad gudeed iyo musuqmaasuq baahsan, iyadoo markasta shacabka ku maaweelisa in aan lala wareegayn Muqdisho.
Warbixintu waxa ay magacdhowday gabar lagu magacaabo Fartuun oo maqaayad ku haysata Muqdisho gabadhaasi waxa ay ka warrantey in markasta ay qaar kamida macaamiisheeda ka maqasho hadalhaynta xooggan ee ah in mujaahidiinta ay ku soo dhawaadeen magaalada Muqdisho.
Waxa ay Fartuun intaa ku dartey sida warbixintu xustay in dadka macaamiisha ah ee ka hadlaya arrimahaasi ay codka hoos u dhigaan markii ay ogaadaan in la dhegaysanayo.
Ka hadalka arrimaha ku saabsan mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa noqday arrin xasaasi ah oo aan lagaga hadli karin goobaha dadweynuhu ku badan yihiin iyaga oo shacabku ka cabsanayaan Maamulka murtad Xasan Sheekh ee shisheeyuhu taageero.
Mujaahidiinta ayaa tan iyo bilowgii sannadkan la wareegtay magaalooyin badan oo ay ugu dambeeyeen Maxaas iyo Moqokori.
Qolyaha isugu yeera Beesha Caalamka ama qaar kamida indha-indheeyayaasha caalamiga ah ayaa tilmaamaya in goobaha ay mujaahidiinta qabsanayaan dadka ku dhaqan ay u ballan-qaadayaan caddaalad iyo Shareecada Islaamka taas oo u eg wixii ay mujaahidiinta Taalibaan ku baaqi jirtey intii aaney qabsan Afgaanistaan, ayay lagu xusay warbixinta.
Kuwa loogu yeero deeqbixiyeyaasha oo Ingiriisku ka mid yahay ayuu Wargeysku xusay in ay wajahayaan niyadjab.
Nin lagu magacaabo Ashley Jackson oo ah cilmibaare ayaa sheegaya in mujaahidiinta Alshabaab iyo Taalibaan isku mid yihiin halka Dowladdii Afgaanistaan iyo ta hadda Soomaaliya ka jirtaa isku masiir yihiin oo Labadooduba ay ka dhasheen dagaalka lagula jiro “argagixisada” oo ay ula jeedaan jihaadiyiinta difaacaya kitaabka Allah.
Warbixintan oo dheerayd waxa ay muujinaysaa sida mujaahidiinta Al-Shabaab ay u yihiin awood aan la dheyelsan karin oo la wareegi doonta guud ahaan Soomaaliya waqti aanan fogeyn.