Warbixin uu daabacay Wargeyska maalinlaha ah ee The Star oo ka mida warbaahinta ugu saamaynta badan dalka Kenya ayuu kaga hadlay awoodda sii bullaalaysa ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli si weyn loo wiiqay awoodda ciidamada Afrikaanta AUSSOM iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ee ay ku adeegtaan.
Waxa uu sheegay wargeysku in ciidamada mujaahidiinta ay dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda isla markaana ay qaadeen mowjado weerarro ah, xilli ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM ay wajahayaan dhibaato dhaqaale oo marba marka ka dambaysa kasii daraysa.
The Star waxa uu xusay in Talaadadii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay xaqiijiyeen weerar ka dhacay Lamu oo lagu beegsaday askartooda, geystayna khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo ay fuliyeen ciidamada mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarkan uu wargeysku soo hadal-qaaday oo ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka Sankuuro iyo Kiyuunga ayaa lagu dilay ugu yaraan 21 askari oo Kenyaan ah, halka dhaawacoodana la xaqiijiyey inuu gaaray 11 askari oo kale. Waxaana lagu gubay gaari Mitsubishi ah, halka sidoo kalena uu burbur xooggani gaaray baabuur Cabdi Bile ah oo ay wateen.
Wargeysku waxa uu xusay in weerarkani ahaa kii ugu dambeeyey silsilado weerarro ah oo mujaahidiintu ka fuliyeen dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya, isagoo sidoo kalena soo hadal-qaaday weerarro kale oo dhawaan ka dhacay keynta Boni ee gobolka Lamu iyo gobolka Mandheera, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac badan loogu geystay gaalo Kenya ah.
Falanqeeyayaal amni oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in horumarka baaxadda leh ee dhulka ballaaran ay kula wareegeen mujaahidiinta aysan kaliya muujinayn kobocooda awoodeed, balse ay tilmaan ka bixinayso sida ay meesha uga baxday awoodda maamulka dabadhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.
Xaalka ay haatan ku jiraan kooxda ridada Soomaaliya ayuu wargeysku ku sifeeyey mid aad u daran, kadib markii laga fara-maroojiyey deggaanno badan oo ay ugu dambaysay Tardo oo ah magaalo istaraatiijiya oo ka tirsan gobolka Hiiraan. Waxa kale oo wargeysku ka dhawaajiyey in mujaahidiinta ay kusii siqayaan deggaanno hor leh sida uu Gaashaanle Maxamed Cabdilaahi u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Xeel-dheerayaasha amniga ee wargeysku uu soo xigtay ayaa sidoo kale sheegay in horumarkan ay dhawaan ku tallaabsadeen libaaxyada Islaamka, uu astaan u yahay dibu dhac weyn oo ku yimid dagaalkii muddada dheer ka socday Soomaaliya ee lagula jiray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ashley Jackson, oo ah cilmi-baare ka tirsan King’s College London, ayaa u sheegtay wargeyska in weerarkii ay mujaahidiintu qaaddeen bishii Febraayo uu ahaa mid ay ku-dhaqankii shareecada dib ugu soo celisay deggaanno badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu meesha ka saaray guulihii uu sheegan jiray maamulka Muqdisho.
“Luminta degdegga ah ee dhulka baaxadda leh looga saaray maamulka Muqdisho waxay hoosta ka xariiqeysaa daciifnimada qaab-dhismeedka qotada dheer ee kooxda Villa Somaliya iyo fashilka ku yimid istiraatiijiyadda millatari ee caalamiga ah,” ayay tiri Ashley Jackson.
Iyadoo xaalka kooxda ridada Soomaaliya uu mugdigaas ku jiro ayuu dhinaca kalena uu wargeysku carabaabay xaaladda hubanti laanta ah ee uu wajahayo hawl-galka isbahaysiga AUSSOM. Waxaanu sheegay in hawl-galkaasi la kowsaday caqabado ay ka mid yihiin hoos u dhac dhaqaale oo dhan $96 Milyan oo Dollar iyo yaraansho baaxad leh oo ka jira dhinaca ciidanka, qalabka iyo agabka hawada.
Maal-gelintii dhaqaale ee ka iman lahayd dhinaca Qaramada Midoobay ayuu wargeysku xusay in ganafka ay ku dhufteen dawlado uu Maraykanku ka mid yahay. Waxaanay diidday inay taageerto maal-gelinta hawl-galka AUSSOM.
The Star waxay farta ku fiiqday in ciidamada mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran, isla markaana ay ku socdaan horumar baaxad leh oo ka gudbay gudaha Soomaaliya, xilli waxa loogu yeero beesha caalamkuna ay wajahayso cadaadisyo xooggan.
Sarkaal sare oo ka tirsan amniga Kenya, oo codsaday inaan magaciisa la xusin ayaa u sheegay wargeyska The Star, in ay sii kordhayaan, xawaare sarena ku socdaan hawl-gallada mujaahidiinta, isla markaana aan la iska indho tiri karin khatarta ay wajahayaan dawladihii gobolka ee dagaalka kula jiray.