Al-Misriyyul-yowm oo ah wargeys kasoo baxa magaalada Qaahira isla markaana ka mida warbaahinta ugu caansan gudaha Masar ayaa warbixin uu ka qoray asbaabaha ay ciidamada Masar uga qayb-qaadanayaan duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.
Wargeysku waxa uu ka dhawaajiyey in dawladda Masar go’aansatay in ciidamadeeda ay geyso Soomaaliya kadib markii ay fashilmeen wada-xaajoodyadii la xiriiray biyo-xireenka Al-Nahda ee muddada tobanka sano ah u socday Itoobiya iyo Masar.
Warbixintu waxay xustay in burburka ku yimid wada-hadalladaasi oo ay sheegtay in sabab ay u ahayd Itoobiya kadib dawladda Masar ay go’aansatay tallaabada ay kaga fal-celinayso arrintaasi, iyadoo isla markiiba heshiis millateri la gashay maamulka Muqdisho.
Wargeysku waxa kale oo uu ka sanqariyey in ay jiraan ciidamo Masaari ah oo maamulka Siisi uu u diray dalka Soomaaliya kuwaas oo ka baxsan ayuu yiri calooshood-u-shaqaystayaasha loogu talo-galay inay ka qayb-qaataan duullaanka macatab-ku-dirirka ah ee isbahaysiga AUSSOM.
Si loo sii xoojiyo cadaadiska Itoobiya waxa uu wargeysku xusay in sidoo kale dawladda Masar ay heshiis militari iyo sirdoon la saxiixatay maamulka Ereteriya, halka dawladda Jabuutina ay la gashay heshiis istaraatiiji oo saamayn ku yeelanaya dekedda ay Itoobiya kasoo dejiso kana dhoofiso badeecadeedah ugu badan.
Al-Msiriyyul-yowm waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaabooyinkan ay qaadday dawladda Masar ay horseedeen in maamulka Abiy Axmed uu kasoo debco sidiisii hore, isla markaana Masar ay haatan haysato kaarar wada-xaajood oo miiska wada-hadallada ee biyo-xireenka Al-Nahda ku keeni karto dawladda Xabashida Itoobiya.