Wargeyska Addis Standard oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa Jimcihii shalay baahiyey qormo uu kaga hadlayo horumarka ballaaran ee mujaahidiintu ay ku tallaabsadeen muddooyinkan u dambeeyey iyo waxa uu ka dhigan yahay.
Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab waxay haatan ka guurayaan jabhadnimadii iyagoo u digo-roganaya dawladnimo, kadib markii ay ku tallaabsadeen ayuu yiri horumarro ballaaran oo ay kula wareegeen magaallooyin istaraatijiya, isla markaana ay kusii siqayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Kooxda Riddada Soomaaliya oo horeba u ahayd ayuu yiri kuwo taag-daran, ayuu sheegay in awooddeedu ay sii wiiqmeyso, nidaamkoodiina uu sii burburayo, iyadoo waxa loogu yeero beesha caalamkuna ay isha ka fiirsanayso.
Waxa uu xusay in aan la iska indho-tiri karin isbedelka ifafaalihiisu muuqdo ee kusoo wajahan Soomaaliya, balse kuwa xilalka ka haya maamullada riddada ayuu sheegay inay u muuqdaan qaar aan kaba war hayn duufaanta soo socota.
Waxay sugeen ammaanka dhammaan magaallooyinkii ay la wareegeen, waxaanay ka fuliyaan shareecada Islaamka, iyagoo haatanna u dhiil-qaatay ayuu yiri dhanka magaallada Muqdisho oo ay doonayaan inay ka dhisaan dowlad Islaamiya.
Wuxuu carabaabay in awoodda sii kordhaysa ee mujaahidiintu ay werwer fara badan ku beertay dalalka Yurub iyo Maraykanka isla markaana dalalka Turkiga iyo Qadar ay iyaguna joojiyeen duullimaadyadii diyaaradahooda ee tagi jiray Muqdisho, kuwaas oo arkaaya ayuu yiri wax ay madaxda riddadu diidan yihiin inay qirtaan.
Imaatinkii Abiy Axmed ee magaallada Muqdisho oo lagu waday ayuu yiri inuu noqdo guul taariikhiya oo usoo hoyata Xabashida, ayaa fashilantay kadib markii mujaahidiintu ay hoobiyeyaal ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde xilli uu ka degayay R/wasaaraha Itoobiya. Taas oo sidoo kale bannaanka keentay habacsanaanta amni ee ku habsatay kooxda riddada Soomaaliya.
Isku-daygii dil ee maalmo ka hor uu sida dirqiga ah uga badbaaday Xasan Gurguurte kadib markii mujaahidiintu ay ku beegsadeen iridda madaxtooyada Villa Somaliya, ayuu sheegay in sidoo kale ay muujinayso awoodda sii kobceysa ee Xarakada Al-Shabaab iyo sidoo kale itaal-darrada iyo jaha-wareerka heysata kooxda Villa Somaliya.
Wargeyska Addis Standard qodobbadaas markuu kasoo sheekeeyey ayuu soo bandhigay waydiin tooshka ku ifinaysa fashilka dul-hoganaya kooxda riddada, waxaanu yiri “Haddii caasimadda Soomaaliya aysan xitaa ilaalin karin ammaanka madaxda riddada iyo madaxweyneyaasha soo booqda, sidee ayay isu ilaalin kartaa?
FAAFREEB PRO