Xaalada Marinka Qaza ee dhulka Falastiin waa mid ay adagtahay in erey ama warbixin kooban lagu cabbiro, tan iyo 7-dii Oktoobar 2023, dagaal aan waxba la iskula harin ayaa ka dhex qarxay kooxaha muqaawamadda Filistiin iyo maamulka gumasytaha Yahuuda.
Dagaalkaasi waxaa uu horseeday khasaare baaxad leh, burbur ku yimid nolosha rayidka, dhibaato bini’aadantinimo oo tii ugu xumeyd qarniyadii la soo dhaafay, iyo burbur guud oo halis geliyay jiritaanka bulshada reer Qaza.
Intii uu socday dagaalka, waxaa ku shahiiday in ka badan 55,000 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 132,000, waxaana gebi ahaan burburay kaabeyaasha nolosha sida isbitaalada, iskuulada, suuqyada, iyo goobaha cibaadada.
Inta badan dadka ku nool Qaza waxay ku sugan yihiin xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidata, gaajo daran, biyo la’aan, daawo la’aan, iyo hoy la’aan iyadoo ay usii dheertahay xasuuqa joogtada ah ee ay kala kulmayaan kayaanka Sahaayinada.
Dagaalka Filistiin waa mid aan kala soocin dadka rayidka ah iyo kuwa hubaysan, duqeymaha cirka, weerarada dhulka, iyo go’doonka dhaqaale ayaa sababay masiibo bani’aadantinimo, iyadoo In ka badan 70% dadka la dilay ay yihiin dumar iyo carruur.
Dhanka kale, khasaaraha dhanka Yahuudda sida iyagu sheeganayaan waxaa uu gaaraya dhimashada in ka badan 1,600 qof, hase ahaatee xaqiiqadu ka fogtahay, halka wali maamulkan laga hayo maxaabiis badan, kuwaasoo ah bartilmaameedka ugu weyn ee lagu muransan yahay heshiiska la dhererinayo.
Iyada oo uu dagaalku qarka u saaranyahay sanadkiisii Labaad, waxaa muuqda dadaalo culus oo dhexdhexaadineed, si loo helo heshiis xabad-joojin waara.
Kooxaha muqaawamada waxay sheegeen in ay si buuxda diyaar ugu yihiin heshiis buuxa, ayna gudbiyeen qodobo cad-cad oo ay sheegeen in lagu saleyn karo xal waara, qodobada ay gudbiyeen-na waxaa ka mid ah: in ciidanka gumaystuhu isaga baxo dhamaan dhulka Qaza.
Dagaalka Qaza ee billowday 7-dii Oktoobar 2023 wuxuu noqday mid taariikhi ah, balse si murugo leh uga mid noqday xasuuqyada ugu foosha xun ee dadka Muslimiinta ah loo geysto qarnigan, in kasta oo dhibaatadu tahay mid aad u weyn, haddana adkeysiga shacabka Falastiin ayaa abuuraya ifafaale rajo leh.
FAAFREEB PRO