[WARBIXIN] Hardanka Yuhuuda iyo Turkiga ku Dhaxmaraya Dalka + Xogo Badan.

Nov 7, 2025

Hardanka Sahaayinada iyo Turkiga ku dhaxmaraya Soomaaliya iyo heshiis bunuudiisa la daday oo ay gaareen xukuumadaha Xamar iyo Ankara.

Soomaaliya, dhul barwaaqo ah balse ay koox qowleysato ah beylah uga dhigeen cadaw nuucyo kala duwan leh, marin iyo saldhigna ay u siiyeen meelihii ugu muhiimsanaa, maalinba maalinka ka dambeysana ay ay isa soo taxayaan xukuumado hor leh oo usoo bira tumanaya iney loolan ku galaan halkan iyagoo halku dhigeedu yahay “uma aaba yeeli doono dadka jooga oo ujeedkeena ayaa ka weyn”.

Marka laga hadlayo xukuumadahaasi waxaa kamid ah mida ka arimisa Turkiga, maamul Erdoğan uu madax u yahay oo maja xaabin mooyeen aanan Soomaaliya ka damacsaneyn mira dhal iyo manaafacaba, balse shacab badan oo Soomaaliyeed ku dagay arrimo badan oo ay kamid yihiin dib u dhis daleed iyo la tartamid caalam.

Marka laga soo tago daabulashada ay Ankara ku sameyneyso kheyraadka wadanka iyo mashaaricda muhiimaduhu ay ku hoos duuganyihiin ee ay maxfalada lasoo istaagayaan iyaga iyo kuwa Muqdisho, waxaa markan soo baxaya jaanib kale oo ah mid loolan oo uu Turkigu dalkan kula galayo maamulka yuhuuda.

Isreal Hayom waa wargeys ay sahaayinadu leeyihiin oo ka faalooda arrimo badan, waxaa uu baahiyey warbixin xigashooyin iyo xaqiijino wata oo uu ku lafa gurayo qodobkan, midaas oo uu ciwaan uga dhigay “ Turkiga oo Si Qarsoodi ah U Dhisaya Saldhig Ciidan oo Ku Yaalla Soomaaliya Si uu U Kordhiyo Awoodda Gantaalladiisa”.

Waxay ugu horeyntii warbixintu ay sadarada ugu horeeya kusoo qaadaneysaa in baaritaano iyo dabagallo kadib la ogaaday in Turkigu uu si aad ah u xoojinayo awoodiisa bariga Afrika si gaar ahaaneed Soomaaliya, isagoo waqti aanan fogeyn doonaya inuu dhidibada u taago xarun ciidan oo hor leh taasoo qeybaha dhexe ee warbixinta lagu sheegi doono shaqada gaarka ah ee ay qabaneyso.

Wargeyska oo soo xiganaya Rashiid Cabdi oo ah Agaasimaha Cilmi-baarista ee Machadka Sahan Global ee fadhigiisu yahay dalka Kenya ayaa sheegay, in xukuumadaha ridada ee Ankra iyo Muqdisho ay galeen heshiis amni oo qarsoodi ah oo qodobadiisa ugu badan la qariyey, iyadoo dusha sarana looga ekeysiiyey iskaashi dhinacyo kale daaran si loo leexiyo ra’yul caamka.

Rashiid Cabdi ayaa sheegay in qodobadaas la daboolay midka ugu daran uu yahay, in Turkigu uu saldhig dhanka hawada ah uu doonayo inuu ka dhisto gudaha Soomaaliya, taasoo soo jiidi doonto mashaakil badan dalkana ka dhigi doonta mid hawadiisu ay dul yimaadaan, diyaaradaha wadan waliba oo haradan la gala xukuumada Ankara.

Sida uu sheegay agaasimahan, waxaa la rumeysan yahay in loo adeegsan doono saldhigan tijaabinta iyo horumarinta gantaallo ballistic ah oo masaafad dheer gaari kara, saadaasha ayaana tibaaxeysa in xitaa Turkiga uu halkan damacsanyahay inuu weerar kaga qaado maamulka yuhuuda hadii ay fooda is daraan, maadaama ay gaari karaan ayuu yiri gantaalada halkan uu keenayo.

Waxa uu sidoo kale ninkan cadeynayaa in Turkigu uu hadda tijaabo kala duwan oo dhanka gantaalaha ah uu ka wado dalka Eritrea, waxaana la xaqiijiyey iney gaari karaan cumqiga Talaabiib iyo magaalooyinka kala duwan ee ay sahaayinadu ixtilaalka ku heystaan, midan ayaana sii xoojisay damaca Anakara ee geeska Afrika iyadoona go’aansatay in colaada ay wadankeeda kasoo fogeyso ayna saldhigato gudaha Soomaaliya.

Rashiid Cabdi isagoo la hadlayay wargeyska Israel Hayom ayuu intaasi ku daraya in Turkiga uu doonayo inuu saldhigan ka hirgaliyo dhul dhaca dhanka meel u dhow waqooyiga magaala madaxda Muqdisho, halkaas oo horey ay kooxda Xamar ugu wareejisay nidaamka Erdoğan.

Waxaa gudaha Soomaaliya durbadiiba soo gaaray boqolaal askari oo Turki ah kuwaasoo loogu talagalay iney qeyb ka noqdaan heshiiskan amni ee ay la gaareen kooxda ridada Soomaaliya, iyagoo ka howgali doona saldhigan cusub, taasoo ku tusineysa sida dar-darka ah ee uu Turkigu kuwado qorshahan iyo ahdaafta uu ka damabcsanyahay.

Maamulka yuhuuda ayaana ka hadlay arrinkan, (Africa–Israel Economic Forum) oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv dhammaadkii toddobaadkii la soo dhaafay ayuuna Eugene Kandel oo ah guddoomiyaha guddiga Sare ee Is-weydaarsiga Saamiyada Tel Aviv waxaa kaga muujiyey walaac daran isagoona ku baaqay in wax aanan indhaha laga dadan karin ay tahay kobaca Turkiga uu ku sameynayo awoodiisa Afrika gaar ahaan Soomaaliya, waxa uuna yiri “Isra’iil waa inaysan oggolaan in arrintaas dhacdo.”

Dhankiisa Shiri Fein-Grossman oo ah madaxa Machadka xiriirka yuhuuda iyo Afrika ee (Israel-Africa Relations Institute), ayaa sheegtay in hadda ay heystaan fursad weyn oo ay saameyn togan ugu yeelan karaan Afrika iyagoo maalgelin yar ku sameyneysa, si meesha ay aakhirkii uga saaraan Turkiga.

Rashid Cabdi ayaa si cad u sheegay in Turkiga uu ballaariyay saameyntiisa guud ahaan Afrika, wuxuu tilmaamay in Ankara ay si xeel dheer u isticmaalayso xiriirkeeda milatari iyo midka dhaqaale si ay u hesho meelaha istiraatiijiyadeed ee muhiimka ah, taasoo ku qasbeysa maamulka yuhuuda ayuu yiri inuu dib u eegto istiraatiijiyadiisa Afrika iyo Badda Cas ka hor inta uusan hadda qaadin talaabo hor leh.

Gunaanudkii, waxay warbixintaan muujineysaa sida ay awoodaha shisheeyey dalkan ugu soo safrinayaan qaacaatka militari ee ay musiibadu ku gedaamantahay, iyagoo dhanka kale daabulasho ku wada kheyraadka nuucyadiisa kala duwan, hadii Turkigu uu hirgaliyo saldhigan ayaana la aaminsanyahay in Soomaaliya ay marti galin doonto duqeymo culus iyadoo hadafka lagu sheegi doono saldhigyada shisheeye balse la gumaadi doono shacab fara badan oo tiradiisu tobanayeeda ka talaabi doonto.

TEAM FAAFREEB PRO