“Soomaaliya iyo Ukraine Dagaalka Macdanta iyo Halganka Siyaasadeed ee Juqraafiga” waa ciwaanka warbixin ay daabacday Shabakadda Horn of Africa Intelligence, taasoo isbar bardhig loogu sameynayo hardanka ka socda Labadan dal iyo siraha ka dambeeya in shisheeyhu ay usoo hanqal taagaan waliba si aanan la qiyaasi karin.
Shabakadan fadhigeedu uu yahay gudaha qaaradan ayaa warbixinteeda kusoo bandhigeysa marxaladaha isku midka ah ee ay wajahayaan Ukrain iyo Soomaaliya, si gaar ahaaneed marka laga hadlayo faragalinta Shisheeye iyo hanqal taaga gaalada ay kawadaan dhulalkan tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.
Waxay warbixinta Horn of Africa Intelligence sheegeysaa in Ukrain iyo Soomaaliya ay ka simanyihiin kheyraadka kala duwan, dhulalkoodana ay hodan ku yihiin macdanada ugu qaalisan caalamka, walow Soomaaliya ay iyadu la gaar tahay shidaal nuuciisa aanan horay daaha looga soo rogin.
Shabakadu waxay qireysaa in duulaan kasta oo lagu soo qaado wadamadan iyo hardan kasata oo socda, ujeedka ugu weyn uu yahay in dowladdaha galbeedka oo uu horboodayo Mareykanka ay gacanta ku dhigaan kheyraadka ugu muhiimsan dhulalkan, iyagoo aanan xitaa haba yaraateen sameyneyn wax yar oo faa’ido qeybsi ah.
Horn of Africa Intelligence waxay markale qireysaa in Soomaaliya iyo Ukrain ay hodan ku yihiin macdanada ugu qaalisan caalamka, iyadoo aanan wali la daah qaadin balse lagu sameeyey baaritaano dhowr ah, waana midan tan dalalkan ka dhigeysa bartilmaameed istaraatiiji ah.
Damaca Ruushka ee Ukraine waxaa qayb ka ah rabitaankiisa ah inuu xakameeyo kheyraadka Kyev, dhanka kale Soomaaliya ayaa weli ku jirta fowdo ka dhalatay sidii ay xukuumada ridada cadawga ugu gacan galin lahayd kheyraadka wadanka, iyadoo ay xusid mudantahay in goobaha qaar ee macdanta ay maanta yihiin kuwa hadii la damco in la qodo, ay isku kor hardin karaan qeybaha kala duwan ee kooxda ridada.
Aan ku horreyno Ukraine oo bartilmaameed u noqotay Ruushka.
Ukraine waxay hoy u tahay qaar ka mid ah kaydka macdanta ugu weyn dunida, waxay leedahay kayd badan oo bir, titanium, uranium, iyo lithium, macdanta Lithium-tana waa qayb muhiim ah marka laga hadlayo wax soo saarka baytariyada iyo baabuurta korantada, waqtigaanna waa mid ka mid ah macdanta loogu doonista badan yahay adduunka oo idil.
Ruushka oo ah waddan qani ku ah saliidda iyo gaaska ma ahan mid haysta kaydka lithium-ka ee muhiimka ah, baahidiisa sii kordheysa ee dhankaas ayaa kamid ah waxyaabaha ku qasbay inuu qaado duulaan huwan shaar kale balse xaqiiqadiisu ay tahay midan.
Duulaankii baaxadda lahaa ee sannadkii 2022 uu Ruushka ku qaaday Ukraine, kaliya ma ahayn mid siyaasadeed ama salka u haya taariikh hore sida inta badan laga maqlo warbaahinta, balse udub-dhexaadka ujeeddooyinka duullaanka ay Mosow ugu qaaday Kyev waa sidii uu u xakameyn lahayd khayraadka faraha badan.
Vladamir Putin ayaa daqiiqad kasta isku dayaya inuu hogaanka u qabto xariga dhaqaale Ukrain, isagoo ka hortagaya in dalalka Yurub ay si fudud ku helaan khayraadka wadankan, maadaama inta Ruushka uu gacanta ku hayo macdanta Ukrain uu reer Yurub la gali karo gorgortanka uu doono wiiqi karana awoodooda dhaqaale.
Haddii aynu fahanay colaadda Ukraine iyo waxa ay salka ku heyso, aan markan eegno Soomaaliya oo ay wabrixintu ku tilmaantay dhibane kale marka laga hadlayo loolanka dhaqaale boob ee ka jira dalkan muslimka ah.
Sida lagu cadeeyey qoraalka shabakada Horn of Africa Intelligence, wadankan dhaca bariga qaarada Afrika waxaa la aaminsan yahay inuu leeyahya keydad macdan oo fara badan, waxaana kamid ah: lithium, tin, tantalum iyo uranium.
Sahannada Juquraafiga ayaa tilmaamaya in bartamaha Soomaaliya iyo gobollada waqooyi ay ku jiraan lithium-ta ka dhalatada dhagaxa pegmatites, kaasoo ah mid wadamo yar mooyee inta badan dalalka caalamka ee macdanta soo saara aysan heysan.
Waxay warbixintu sheegeysaa in 34 sano ee lasoo dhaafay dalku uu ku jiray xaalad dagaal, ku dhawaad 20-kii sano ee u dambeysayna ay mujaahidiintu wadeen dagaalo xoogan oo looga hortagayo damacyada guracan ee cadawga, dhulalka ay maanta maamulaana ay yihiin kuwa kheyraadkooda la ilaaliyay waana sida ay warbixintu qireyso.
Meelaha ka baxsan gacanta mujaahidiinta ayey ay maamusho kooxda ridada Soomaaliya ayey shabakada Horn of Africa Intelligence sheegeysaa iney ka jiraan howllo sharci darro ah oo lagu xayuubsanayo har iyo habeen kheyraadka ugu muhiimsan dalka, haba ugu horeeyee kaluunka iyo shidaalka oo markan si aad ah loogu soo hanqal taagayo.
Waa maxay sababta Soomaaliya ay ugu jirto Muddo dheer xasillooni darro? waa su’aal ay hoosta ka xariiqeen baarayaasha xogtan ee ka howlgala shabakada Horn of Africa Intelligence.
Waxay lagu waramayaa in Soomaaliya ay in muddo ah u garba duubantahay dowladdo shihsheeyey iyo calooshood u shaqeystayaal murtadiin ah, kuwaas oo aanan marnaba ogoleen in wadankan uu cagta saaro wadada hormarka dibadana uu keensado kheyraadkiisa dhax ceegaaga.
“Xasillooni la’aanta Soomaaliya maahan mid ku timid xaalad shil ah, waxaa qeyb ka ah xoogag shisheeye oo doonaya in ay ka hortagaan in dalka uu horumariyo khayraadkiisa, quwadaha caalamka ayaa muddo dheer ka faa’iidaysanayay dawladda taagta daran ee Soomaaliya si ay u helaan khayraadkeeda badda iyo goobaha istaraatiijiga ah ee ku teedsan gacanka cadmeed” waxaa sidaas yiri qoraalka wabixinta.
Marka laga soo tago quwadaha galbeedka ee xaalufinta ku wada wadankan, waxaa sidoo kale meesha aanan ka marneyn dalalka Khaliijka oo maanta iyagana ka cayaaraya kaalin boob oo aanan marnaba la dhayelsan karin, iyagoona soo huwaday shaarar kala duwan balse si hoosaad u daabulanaya kheyraadka.
Imaaraatka iyo Qatar ayaa kamid ah kuwa galaangalka ku leh gudaha Soomaaliya, waxayna taageeraan qaar kamid ah maamulada ridada ah ee dalka ka dhisan, iyagoo u jeedkooda ugu weyna uu yahay iney si fudud uga helaan macdanada qaaliga ah.
Sucuudiga, Imaaraatka iyo Qadar ayaa si walba kaga soo horjeeda in Soomaaliya ay madaxa sare usoo qaado iyadoo sameyneysa wax soo saar dhanka kheyraadka ah, waxayna dowladahan aaminsayihiin iney tan ciriiri galin doonto suuqyadooda, maadaama ay ka dharagsanyihiin in dalkan uu heysto keydadka kheyraad ee dabiicinga ah, hadii mar daaha laga soo qaadana ay suuqa maalmo kooban uga bixi doonaan wadamo maanta lagu tilmaamo kuwa ugu tunka weyn caalamka..
Dhinaca kale Muqusmaasuqa iyo hogaan xumada heysata kooxda Villa Soomaaliya, ayaa sidoo kale la sheegayaa iney qeyb ka tahay xaalada uu dalka ku jiro, iyadoo mararka qaar lasoo tabinayo in hal mashruuc loo soo xirayo 3 shirkadood oo kale duwan, taasoo muujineysa heerka musuqa iyo isdaba mareynta xukuumada ridada ah.
Waxay sidoo kale tani daaha ka rogeysaa sida gaalka asalka ah iyo murtadkuba ay isugu soo baheysteen iney suuq geeyaan hantida ka dhexeysa guud ahaan ummada Soomaaliyeed oo lasoo ilaalinayey muddo qarniyo ah.
Waxaa gunaanudkii warbixinta lagu sheegayaa in Soomaaliya cashar ay ka baran karto umad waliba oo difaacata dhulkeeda iyo kheyraatkeeda , dadka soomaaliyeed oo ay hogaanka uhaayaan wiilashooda mujaahidiinta ah ayaana noqoday kuwa kaalintaas kasoo dhalaalay oo halgan xoogan kula jira cadwga midibada kala duwan leh haba lasoo huwiyo shaarka la doono.
TARJUMAADA WAA SHABAKADA FAAFREEB PRO.