Warbaahinada Reer-Galbeedka oo Hadal Haaya Duqeyntii Madaxtooyada.

Apr 8, 2025

Warbaahinta Caalamka oo si weyn u hadal-haysa weerarradii ay mujaahidiintu ku beegsadeen Xarunta madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane.

Warfidiyeennada kala duwan ee caalamka ayaa si weyn u lafa-guraya weerarradii ay mujaahidiinta bariga Afrika maalmihii u dambeeyey ka fuliyeen gudaha magaallada Muqdisho, kuna beegsadeen madaxtooyada Villa Somaliya iyo xerada Xalane.

The Defense Post oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Washington D.C, oo diiradda saarta wararka la xiriira difaaca iyo amniga, gaar ahaan Afrika, Bariga dhexe iyo Koonfurta Aasiya, ayaa sheegtay in duqayntii ay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha Muqdisho ay hakad gelisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya, sida uu sarkaal ka tirsan amnigu u sheegay AFP.

Warbixintu waxay xustay in hawl-galladani ay kusoo aadayaan todobaadyo uun ka hor markii iridda madaxtooyada lagu weeraray kolonyo uu la socday madaxa kooxda Villa Somaliya, Xasan Gurguurte, kaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay xarakada Al-Shabaab.

Diyaarad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu waday in ay ku degto garoonka ayaa dib loogu celiyay dalka Jabuuti, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqaalaha garoonka, isagoo intaa raaciyey in lagu wargeliyay in Egypt Air ay sidoo kale joojisay duulimaadkeedii maalintaasi.

The Defense Post waxa kaloo ay ka dhawaajisay in sidoo kale la beegsaday Xerada Xalane oo ah ayay tiri xarun si weyn loo ilaaliyo oo ay deggan yihiin Qaramada Midoobay, hey’ado kale oo shisheeye iyo xarunta UN-ku taageero ee hawl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM sida uu sheegay afhayeenka ciidamada ka socda midowga Afrika.

“Waxaa dhacay duqeymo, kooxdayadu hadda waxay ku sugan yihiin goobta qiimaynta,” ayuu yiri afhayeenku, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka AFP. Sidoo kalena sarkaal ka tirsan laamaha amniga ayaa tilmaamay in weerarradani u muuqdaan kuwo sii socon doona.

Warbixintu waxay sheegtay in dadka wax falanqeeya ay ka dhawaajiyeen in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen hawl-gallada ay mujaahidiintu ku beegsanayaan Gaallada iyo Gaallo-raacyada isku soo bahaystay duullaanka Soomaaliya.

Falanqeeyayaasha ayaa carabaabay in weerarradii ugu dambeeyey ay sare u qaadeen cabsida shisheeyaha iyo shisheeye-kalkaalku ka qabaan in awoodda sii kobcaysa ee mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab, lagana yaabo in hal bacaad lagu lisay ka dhigaan wixii muddada badan waxa loogu yeero beesha caalamku ay ka dhoob-dhoobaysay dalka Soomaaliya.