Warbaahin Maraykan ah oo ka Hadashay Horumarka Ballaaran ee Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Aug 21, 2025

Waxaa isa soo taraaya niyad-jaka ay kuffaarta caalamka, gaar ahaan dowladda Saliibiyadda Maraykanku ka qaadday taageeradii ay siin jirta kooxda riddada Soomaaliya oo muddo badan ay u adeegsan jirtay duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya.

Anti War oo ah warfidiyeen laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa warbixin ay shalay baahisay ku sheegtay in muddadii uu xilka la wareegay Gaal Donald Trump ay si weyn u kordheen duqaymaha ka dhanka ah mujaahidiinta Al-Shabaab ee Maraykanku ka fuliyo dalka Soomaaliya.

Duqaymahan oo la tilmaamay in rikoor-jabis ay ku dhow yihiin marka loo fiiriyo muddo-xileedkii hore ee Donlad Trump, ayay warbixintu xustay inay kusoo idlaadeen guul-darro iyo fashil maadaama ayay tiri mujaahidiintu ay sameeyeen taqaddum baaxad leh, muddo yar oo koobanna kula wareegeen dhul aad u ballaaran.

“Isagoo Maraykanku uu Soomaaliya ka fulinaya duqaymo uu ku taageerayay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM, haddana al-Shabaab waxay guud ahaan dhul ballaaran ka qabsanaysay koonfurta Soomaaliya weerar ay billowday bishii Febraayo, iyadoo la wareegtay tobannaan magaalo iyo tuulo.” Aayaa lagu yiri warbixinta Warbaahinta Anti War.

Kooxda Riddada Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayay warbixintu shaacisay in loo arko maamul aad u tabar daran, isla markaana luminaysa taageeradii baaxadda lahayd ee lagu siin jiray la-dagaallanka mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbixintan ayaa kusoo aadaysa xilli geesiyada Tawxiidka ee Bariga Afrika ay ku tallaabsadeen horumarro waaweyn, isla markaana ay isku fidiyeen dhul aad ballaaran oo istaraatiijiya kana tirsan wilaayaadka Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose.