Walaac Xooggan oo Laga Muujinayo Qorshaha Ciidamada Masar ee ku Biirista Duullaanka AUSSOM.

Nov 4, 2025

Xeel-dheerayaasha siyaasadda ee dalka Masar ayaa ka dayriyey ku biirista Masar ee hawl-galka AUSSOM, waxaanay sheegeen in ka qeyb-galka ciidamada Riddada Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu wajahayo caqabado dhowr ah oo ku saabsan dhinaca siyaasadda iyo sidoo kale dhinaca istiraatijiyadda.

Agaasimaha barnaamijka Afrika ee “Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda” ee dalka Masar, haweenayda lagu magacaabo Dr. Amaaniddawiil, ayaa u sheegtay wargeyska Ash-sharqul-awsad ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska, in qaar ka mid ah caqabadaha ay dawladda Riddada ee Masar la kulmayso ay la xiriiraan xaaladda dhabta ah ee ka jirta gudaha Soomaaliya iyo heerka liita ee ay gaarsiisan tahay amni-xumada ku gedaaman kooxda Riddada Soomaliya.

Waxa kale oo ay xustay Dr. Amaaniddawiil, in qaar ka mid ah dalalka qaybta ka ah duullaankan saliibiga ah ee isbahaysiga AUSSOM aanay doonayn in ciidamada Masar lagu soo daro hawl-galkan, maadaama uu jiro xifaaltan adag oo ku saabsan danahooda oo ka dhaxeeya dhinacyadaasi.

Horraantii usbuucan ayay ahayd markii wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar uu Guddoomiyaha midowga Afrika ku adkeeyey in wax-qabadka hawl-galka AUSSOM uu ku xiran yahay maal-gelin caalami ah iyo dhaqaale joogto ah oo ku filan oo loo helo ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ee dagaalka saliibiga ah kaga jira dalka Soomaaliya.