Waa Nuucee Digniinta ay Isdhaafsan Doonaan Ruushka iyo Mareykanka?.

Dec 17, 2024

“Ruushka iyo Ameerika ayaa is dhaafsan doona ogeysiisyada marka ay ridayaan gantaalada isaga kala goosha qaaradaha” waa ciwaanka warbixin kale oo uu qalinka u qaatay isla wargeyska maalin laha ah ee Al-Sharqul Awsat.

Xukuumadaha Moscow iyo Washington ayaa lagu wadaa in wixii hadda ka dambeeya ay is dhaafsadaan ogeysiisyo ka hor inta uusan midkood ridin gantaalada Baalistic-ga ah ee isaga kala gudba qaaradaha, waana sida uu sheegay Sergei Karakayev oo ah taliyaha ciidamada Ruushka ee qeybta gantaalaha cul culus.

“Xiriirka Ruushku waxa uu ku wargelin doonaa dhinaca Maraykanka ugu yaraan 24 saacadood ka hor qorshe kasta oo lagu soo ridayo gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba iyo kuwa badda gunteeda laga soo tuuro”. Waa nuqul kamid ah hadalka kasoo baxay Ruushka oo ay daabacday majaladan.

Sidoo kale waxaa lagu waramyaaa in muhiim ay tahay in ogeysiisyada la bixinayo ay ku xisanyihiin taariikhda la qorsheynayo ridada gantaalada, goobta la bartilmaameedsanayo iyo saameynta ay geesan karaan inta ay la ekaaneyso.

Ilaa hada dhanka Mareykanka kama soo bixin wax jawaab ah oo ku aadan qoshahan kasoo maaxday dhanka Ruushka, lamana hubo ayey jariiraduhu badanaa leeyihiin haduu noqon doono mid dhaqan gala.

FAAFREEB PRO