Waa Maxay Muhiimada Istiraatijiyadeed ee Marinka Panama?.

Feb 3, 2025

Waa maxay sababta marinka Panama u yahay muhiimada istiraatijiyadeed? Waxaa sisaad lagu bilaabay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post.

Waxaa warbixintan dib u eegis ku sameyneysaa muhiimada marinka Panama iyo doorka uu ku leeyahay ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego hadaladii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan qabsashada iyo walaaca ay madaxda oo Ameerikaan ah ay ka qabaan joogitaanka Shiinaha ee gobolka.

Marinakan ayaa la sheegay in halbowle uu u yahay gacansiyo badan, hadii cid gaar ah awoodiisa ay leexsato ayaasa lagu waramayaa in ay wiiqmi doonaan gacansiyo fara badan oo maanta kala socda, waana mida ay dunidu ka carareyso.

Warbixinta oo sii socota ayaa farta ku fiiqeysa hadallada soo noqnoqda ee Trump ee ku saabsan kanaalkan, sida dhaleeceyntiisii ahayd in lacagaha ugu badan kanaalkan uu ka qaado maraakiibta Mareykanka, iyo in askarta Shiinaha ay maamulaan kanaalka Panama taas oo markii dambe lagu tilmaamay been abuur cad iyo xog aanan sal iyo raad toona lahayn.

Sidoo kale marka laga hadlayo muhiimada kanaalka Panama waxaa lagu waramayaa in Maraykanka uu kaalinta koowaad kaga jira tirada badeecadaha laga dhoofiyo halkan isagoo dhoofiya alaab gaareysa 99.6 milyan oo tan, halka uu soo dejiyo 57.4 milyan oo tan, waxaana ku xiga Shiinaha oo kaalinta labaad ku jira, waxa uu dhoofiyaa 23.8 milyan oo tan, halka 21.2 milyan oo tan uu kala soo dago kanaalka.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Japan, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Chile ay sidoo kale yihiin dalal waaweyn oo ku tiirsan kanaalka Panama, waana sida joornaalku uu kasoo xiganayo xog kasoo baxaday dowlada Panama, tani ayaana muujineysa muhiimadda uu kanaalkani u leeyahay isu socodka caalamka.

FAAFREEB PRO