Ugu Yaraan 90 Qof oo ku Naf-waayay Roobab Mahiigaan ah oo ka Da’ay Dalka Vietnam.

Nov 24, 2025

Wararka ka imanaya dalka Vietnam ee koonfur-bari Aasiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 90 qof ay ku dhinteen fatahaado iyo dhul-go’ ka dhashay roobab xooggan oo aan kala joogsi lahayn oo maalmo dhan ka da’aayay koonfurta iyo bartamaha dalkaasi.

Wasaaradda Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka ee Vietnam ayaa sheegtay in ilaa 63 ka mid ah dhimashada tan iyo 16-kii Nofembar laga diiwaan geliyay buuraleyda bartamaha gobolka Dak Lak, halkaas oo tobanaan kun oo guri ay daaddadku qaadeen.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen ugu yaraan 12 qof ruux oo kale. Iyadoo dowladdu ay sidoo kale sheegtay in guud ahaan tirada guryaha ay wax-yeelladu soo gaartay ay dhan yihiin ugu yaraan 186,000 oo aqal.

In ka badan saddex milyan oo xoolo ah ayaa lagu soo warramayaa in daaddadku ay la tageen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha xukuumadda Vietnam, iyagoo sidoo kalena shaaciyey in ay jiraan hanti fara badan oo ku burburtay fatahaadahaasi.

Ilaa 258,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in koronto la’aani ay ku dhacday subaxnimadii saaka oo Axad ah, waxaana la xiray qeybo ka mid ah waddooyinka waaweyn ee baabuurta iyo jidadka tareennada, sida ay saraakiisha dalkaasi shaaciyeen.

Dawladda Vietnam waxay sheegtay in fatahaadahani ay saamaynta ugu daran u geysteen shanta gobolka ee kala ah Quang Ngai, Gia Lai, Dak Lak, Khanh Hoa, iyo Lam Dong, kuwaas oo ku kala yaal koonfurta iyo badhtamaha dalkaasi.

“Xaafadayagu gebi ahaanba waa ay baaba’een, waxba kama harin, wax walba waxa qariyay dhoobo.” Ayuu mid ka mida beeraleyda gobolka Dak Lak oo da’diisu tahay 61 sano jir, uu u sheegay wakaalada wararka AFP.

Roobabkan ayaa la sheegay in ay da’ayeen tan iyo dabayaaqadii bishii Oktoobar, waxaana usbuucii hore ay biyuhu buux-dhaafiyeen magaalada xeebta ah ee Nha Trang, iyadoo dhul-go’ ay dad badani ku dhinteenna uu ka dhacay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Da Lat.

Sidoo kale in ka badan 80,000 hektar oo bariis iyo dalagyo kala duwan ah oo ku yaalla gobolka Dak Lak iyo afar gobol oo kale ayay waxyeello soo gaartay usbuucii la soo dhaafay, iyadoo in ka badan 3.2 milyan oo digaag ahna ay ku dhinteen daadadkaasi.

Dalka ayaa sida caadada ah wuxuu aad ugu nugul yahay roobabka mahiigaanka ah oo inta badan soo hoora inta u dhaxaysa bilaha Juun iyo Sebtembar. Waxaana sidoo kale ku dhufta duufaanno dabaylo wata oo waxyeelloo xooggan geysta.