Ugu Yaraan 31 qof oo Ku Nafwaayay Mudaharaadyadii ka Dhanka Ahaa Dowladda Kenya.

Jul 10, 2025

Tirada dadka ku dhintay mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda Kenya ayaa gaartay ugu yaraan 31 qof, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray waxa loogu yeero Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR).

Sidoo kale warbixintu waxay caddeysay in 107 qof ay ku dhaawacmeen rabshadihii dhacay intii lagu guda jiray dibadbaxyada.

Bayaanka guddiga ayaa sidoo kale lagu xusay in labo qof la la’yahay kadib mudaharaadyadii dhacay maalintii Isniinta, kuwaasoo ku beegnaa maalinta Saba Saba oo ay shacabka keenyaanka ku xasuustaan kacdoonkii dhacay 7-dii Luulyo 1990, kaasi oo lagu diidanaa xukunkii kaligii-taliska ahaa ee madaxweynihii hore Daniel arap Moi.

Warbixinta guddiga xuquuqda aadanaha ayaa intaas ku dartay in ugu yaraan 532 qof la xiray, iyadoo rabshado xooggan ay ka dhaceen magaalooyinka Nairobi iyo Eldoret, halkaas oo booliska lagu eedeeyay inay gacansaar la yeesheen kooxo hubeysan oo ku qalabeysnaa bastoolado iyo waramo.

Hantida la burburiyay waxaa ka mid ahaa dukaamo waaweyn iyo suuqyo, arrintaasoo sii hurisay caro xooggan oo ka dhex aloosan shacabka.

Dibadbaxyadan ayaa qeyb ka ah kacdoon socday tan iyo Juun 2024, waxaana horkacaya dhalinyaro si weyn uga horyimid kororka canshuuraha.

Dadka dibadbaxaya waxay sidoo kale cabasho xooggan ka muujinayaan xaaladda adag ee dhaqaale, musuqmaasuqa baahsan, iyo cadaadiska ay kala kulmayaan booliska dowladda.

Madaxweynaha dawlada Saliibiyada ah ee Kenya William Ruto ayaa si kulul uga falceliyay kacdoonnada socda, isagoo ku amray booliska inay lugaha ka toogtaan dibadbaxayaasha burburinaya hantida dadweynaha, si loogu hortago rabshadaha sii socda.

“Qofkii rabshad abuuraya, gubaya hantida dadka kale, waa in lugta laga toogtaa si uu u dhaawacmo oo isbitaalka loo geeyo, kahor inta aan maxkamad la horkeenin,” ayuu yiri Ruto.