Ugu Yaraan 20 qof oo ku Shahiiday Dhul-gariir Xooggan oo ku Dhuftay Dalka Afganistan.

Nov 3, 2025

Wararka ka imanaya dalka Afganistan ayaa sheegaya khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo ka dhashay dhul-gariir xooggan oo waaberigii hore ee saaka ku dhuftay gobollada waqooyiga ee Balakh iyo Samanjaan.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afganistan, Dabiixillah Mujaahid ayaa sheegay in dhul-gariirkani uu ku dhuftay gobollada Balakh, Samanjaan, iyo Baglaan isla markaana uu geystay khasaare naf iyo maalba leh. Isagoo u duceeyey dadkii ay waxyeellada kasoo gaartay masiibadaasi.

“Mas’uuliyiinta iyo hay’adaha khuseeya arrimahan ee Imaraadka Islaamiga ah ayaa dhammaantood ku mashquulsan sidii ay shacabka ugu adeegi lahaayeen isla markaana u gaarsiin lahaayeen gargaar degdeg ah oo ku filan…” ayaa yiri Dabiixullaah Mujaahid.

Dr. Sharafat Zaman, oo u hadlay wasaaradda caafimaadka ee Imaarada Islaamiga Afganistan, ayaa sheegay in wararka hordhaca ah ay muujinayaan in dad ka badan 20 qof ay shahiideen, isla markaana 320 qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Waxa kale oo intaasi uu ku daray in gurmadku uu weli socdo, kooxaha hawlahaasi qaabilsanna ay isla markiiba gaareen goobaha ay masiibadu ka dhacday, isla markaana dadkii ay wax-yeelladu soo gaartay u daad-gureeyeen goobaha caafimaadka.

Dhul-gariirkan oo cabbirkiisa lagu sheegay 6.3 ayaa laga dareemay degaanno fogfog oo ay ku jirto caasimadda Kabul, waxaana hay’adda maareynta musiibooyinka ee Imaarada Islaamiga Afgaanistaan ay sheegtay in la shaacin doono tira-koobka rasmiga ah ee ku saabsan khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay dhul-gariirkaasi.

Laba bilood ka hora yay ahayd markii dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay bariga Afghanistan ay ku dhinteen in ka badan 2,200 oo qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 3,600 oo qof oo kale, halka in ka badan 6,700 oo guri ay ku burbureen.