Ugu Yaraan 10 Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Weerar Halyeeynimo.

Sep 8, 2025

Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 Yahuud ah ay dhinteen kadib weeraro halyaynimo oo ka dhacay magaalooyinka Qaza iyo Alqudus ee Falasdiin.

Kaligood duulayaal halyeeyo ah ayaa weerar hubaysan ku qaaday bosteejo gaadiidka laga raaco oo kutaal magaalada Qudus waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 6 qof Yahuud ah.

Weerar kale oo ka dhacay magaalada Qaza ayaa gallaaftay nolosha ugu yaraan 4 askari sahaayino ah halka toban kale ay dhaawacyo soo gaareen, xoogagga muqaawamada Falasdiin ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku bogaadiyay weerarada Qudus iyo Qaza.

Kumanaan katirsan ciidamada cadowga ayaa lagusoo daadiyay xaafado katirsan magaalada Qudus halkaas oo ay ka sameeyeen howlgallo raaf ah.