Ugu Yaraan 10 qof oo ku naf Weysay Roobab Mahiigaan ah oo ka Da’ay Indooniisiya.

Sep 10, 2025

Roobab mahiigaan ah oo sababay daaddad xooggan ayaa ka da’ay jaziiradda fasahaadka badan ee Baali ee dalka Indooniisiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof sida ay Arbacadan maanta ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Roobabkan oo ahaa kuwo aad u culus oo si isdaba-joog ah u da’aayay intii u dhaxaysay fiidnimadii Talaadada iyo subaxnimada Arbacadii saaka ayaa dumiyay laba dhisme oo ku yaal caasimadda Bali ee Denpasar, waxaana ku dhintay afar qof, sida uu sheegay I Nyoman Sidakarya, oo ah madaxa hay’adda baadigoobka ee jasiiradda Baali.

Qulqulka daadadka oo weli socda ayaa sidoo kale waxaa ku naf-waayay Laba qof oo kale, halka 85 ruux oo kalena loo daad-gureeyay deggaanka Jembrana, sida ay maanta shaacisay hay’adda la-tacaalidda masiibooyinka ee dalka Indoniisiya.

Gelitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee jasiiradda oo u dhow Denpasar ayaa la xaddiday, maadaama oo keliya gawaarida xamuulka ah ay isticmaali kareen waddooyinka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay I Nyoman Sidakarya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshadda ayaa muujinaya daaddad qulqulaya waddooyin waaweyn, kuwaas oo sabab u noqday in isu-socodka gaadiidku uu gebi ahaanba joogsado. Waxaanay sidoo kale roobabkani ay ka da’een gobolka East Nusa Tenggara, halkaasoo ay ku dhinteen afar qof, sida ay sheegtay hay’adda la-tacaalidda masiibooyinka.